Xil hore Saleebaan M Xaashi ”haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh gacanta ku hayo 24 malyan oo jidka Gaalkacyo lagu dhisi lahaa Qabuuro ma qoteen”

17 May 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran isla markaasna ah Xidhibaan hore Saleebaan Maxamuud Xaashi ayaa qoraal kooban uga hadlay mashruuca dhismaha jidka u dhexeeya Galkacyo iyo Garoowe.

Saleebaan ayaa caddeeyey inuu dabasocday muddo sanad ku dhow sidii mashruucaas u hirgeli lahaa uuna diyaar ka ahaa African Development Bank laakiin uu ka hirgeli waayey xukuumadda Xasan Sheekh oo noqotay caqabadda dhabta ah ee hortaagnayd. Waxay dowladda Federaalku diidday inay fududayso in la hirgeliyo mashruuca.

Waxaa mashruuca gacanta ku haya wiil uu adeer u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo Madaxweynaha toos ugu xiran oo xataa aan ka amar qaadan wasiirka wasaaradda.

Saleebaan Maxamuud Xaashi ayaa qoraalka ku yiri ”haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh gacanta ku hayo 24 malyan Qabuuro ma qoteen”. Sida qoraalka laga fahmayo dowladda Federaalku lacagta gacanta kuma hayso ee waxa ay diidday waa oggolaanshihii diwladnimo.

Waxaa isaguna aarintan ka hadlay Xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka Federaalkana kana soo jeeda gobolka Mudug ee mashruuca laga hor istaagay. Xildhibaanku wuxuu eedda dusha ka saaray Dowladda Puntland halkii uu xaqeeda usoo dhicin lahaa, wuxuuna sheegay in 24 malyan ay hayaan jidkaas.

Xildhibaanku ma sheegin meesha lagu hayo lacagta iyadoo aan la garanayn sida ay uga badbaadday Madaxweynaha oo dhulkii dowladda xaraashaya.

About The Author