Taliyahii Guutada 26aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/sare Cabdiraxmaan Xujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori

17 May 2025 (Puntlandes.com) Taliyahii Guutada 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/sare Cabdiraxmaan Xujaale ayaa lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

AUN Cabdiraxmaan Xujaale oo ahaa taliyahii guutadaas oo ka howlgala Gobolka Hiiraan ka waday ayaa waxaa diley sida xogtu sheegeyso askar Isaga ciidankiisa katirsan.

Qori dhashiishe ah ayay wararku sheegayaan in lagu dhuftey waxaana hadda gacanta lagu haya dhammaan askarta eedeysanayaasha ah.

Sababta rasmiga ah & waxa kalifey iney askartu sidaan wax yeesho ayaan weli loo heynin jawaab Waafi ah.

About The Author