Booliska dawladda Puntland: maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ayaa si dhuumaleysi ah kusoo galay degmada Shaxda

23 May 2025 (Puntlandes.com) Booliska dawladda Puntland ayaa war ka soo saaray maamulka SSC-Khaatumo oo isku dayey inuu la wareego degmada Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaan ka akhriso.

Ciidanka ayaa warsaxaafadeed ku yiri “kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ayaa si dhuumaleysi ah kusoo galeen degmada. Ciidanka Booliska Puntland wuxuu si adag ugu digayaa isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga degmada.

Maleeshiyaadkii waa laga saaray degmada, waxaana hadda xaaladda degmada Shaxda ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Booliska.”

About The Author