Dr Suldaan Maxamed “Shaxda falkii ka dhacay shalayna waa meel ka dhac…Dowladda Puntland ayeyna si buuxda uga ka tirsan yihiin”

24 May 2025 (Puntlandes.com) Dr Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Suldaan Garyare ayaa qoraal uu uga hadlayo falkii shalay uu ku galay maamulka SSC-Khaatumo degmada Shaxda kuna sheegtay waxa uu ku sifeeyey inuu ahaa meel ka dhac ayna degmadu ka tirsan tahay Dowladda Puntland.

“Reer Shaxdu waa u hiiliyeen halgankii Khaatumo ku xoreesteen dhulkooda; falkii ka dhacay shalayna waa meel ka dhac iyo qiimo jabin lagula dhaqmay Shaxda, Aayaha iyo talada bulshada ku dhaqan deegaanka ayaa iska leh nidaamka iyo Dowladda Puntland ayeyna si buuxda uga ka tirsan yihiin.” Dr Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Suldaan Garyare

Qoraalka hoose waxa qoray Dr Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Suldaan Garyare

XAGALO GEEL WAX GUNTI LA GELIYO KA WEYN

Allaa mahad oo dhammi u sugnaatey, intaa ka dib waxa aan halkan ka caddeynayaa aniga oo ah Dr.Suldaan Maxamed Maxamed Suldaan Ibraahim Suldaan Garyare in khalad siyaasi iyo mid bulshaba lagu la kacay degmada Shaxda ee gobolka Kaarkaar; Degmada Shaxda oo u taliso deegaan ballaaran ayaan ka mid ahayn maamulka Khaatumo oo ay dhawaan dhisteen walaalo Soomaaliyeed. Waxa meel ka dhac ku ah degmada Shaxda in taliye qeyb goboleed ee arrimaha amnigu uu si dhuumaaleysi ku soo galo degmo uusan xog badan ka hayn arrimaheeda; guri nin leeyahayna kula shiro, ciddii soo marin habaabisay iyada oo degmadu leh qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayadii, guurtidii, rag garboodkii, siyaasiyiintii iyo weliba ganacsatadii degmada oo ay ka go’do talada degmadu. Waxa jira sal fudeyd siyaasadeed iyo degdeg aan sal muggii ahayn, una muuqda indho la’aan siyaasadeed oo ay ku soo galeen degmada dhalliyaro hubaysan. Reer Shaxdu waa u hiiliyeen halgankii Reer Khaatumo ku xoreesteen dhulkooda. Falkii ka dhacay shalayna waa meel ka dhac iyo qiimo jabin la gula dhaqmay degmada Shaxda, mana aha mid degmadu ay geydo ama u qalanto.

Ugu dambeyntii waxa aan maamulka Khaatumo iyo madaxdiisaba u soo jeedinayaa in ay ixtiraamaan degmada Shaxda iyo bulshadeedaba, kooxna aysan si dhuumasho ah dan gaara uga raadin. Aayaha iyo talada deegaankana bulshada ku dhaqan deegaanka ayaa iska leh nidaamka iyo Dowladda Puntland ayeyna si buuxda uga ka tirsan yihiin. Degmada Shaxdu Waxa ay leedahay maamul degmo, mid deegaan oo shacabku toos u soo doortay madax sare na waa ku leedahay Dowladda Puntland oo ay ka tirsan yihiin dadka deegaanku, waxii saluug iyo tabasho ay tirsanayaan bulshada reer Shaxdu waa mid u dhaxaysa iyaga iyo Dowladdooda Puntland ma keeni karto iyo taladooda laga cid kale ka fara maroojiyo.

Wa billaahi Towfiiq

Dr Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Suldaan Garyare

Suldaanka Beesha Cabdiraxmaan Harti (Kaskiqabe)

About The Author