Sawirro: Madaxweyne kuxigeen Lugatoor oo daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland Sanad Dugsiyeedka 2024-2025

24 May 2025 (Puntlandes.com) Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda PuntlandIlyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland Sanad Dugsiyeedka 2024-2025, oo ay sanadka u fariisteen 23,768 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland kuna gelaya 151 xarumood oo ay Illaalinayaan 1247 Macalin.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ardayda reer Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka ay u fariisteen maanta.

“Alle haydinku guuleeyo Imtixaanka waxaad soo muujiseen dedaal iyo dhabar adayg mudadii aad kusoo jirteen hayaanka Waxbarshada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii Ardayda reer Puntland u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Imtixaan tayadiisu sarayso laguna saleeyey Manhajka Dowladda oo u dhigma kuwa dunida”.

Ugu dambayn Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah.

About The Author