Muuqaal: Madaxweyne kuxigeenka Puntland Homaahiyaha SSC-Khaatumo ku eedeeyey inuu dayacay xilkii loo igmaday

24 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa markii u horay dhaliil xoogan u jeediyey Homaahiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, isagoo ku eedeeyey inuu dayacay xilkii loo igmaday.
Lugatoor ayaa yiri “SSC-Khaatumo kuma halaynayno waxbarashada deegaankaas, Taleex waxaan u haynaa 3.5$ milyan, Buuhoodle 7$ milyan, Sool-na mashaariic badan…hogaamiyihii wuxuu mashquul ku yahay durbaanka iyo is caleemasaarka Xasan Sheekh, marka siyaasadu wareertana waa caynkaas, ..Shirka soo socda waa in lagu saxo khaatumo”