Muuqaal: Siyaasi Guled Saalax oo sheegay in Deni Puntland u badalay shirkad Qoys

24 May 2025 (Puntlandes.com) Siyaasi Guled Saalax Saalax Barre oo madaxweynaha Puntland kula tartamay madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta dib ugu laabtay Garowe ayaa ku eedeeyey madaxweynaha in uu Puntland u badalay shirkad Qoys.
“Maamulka hadda jira wuxuu isku badalay shirkad ganacsi oo xubno ka mid ah qaraabada dhow ee Deni u shaqaynaysa, waxay hadda qorshaynayaan in khayraadkii dalka sifo aan sharci ahayn loo boobo, gaar ahaan Sanaag iyo Beri iyadoo la adeegsanayo shirkado calooshood u shaqaysayaal leeyihiin ayna qabaan ka yihiin xubno qoyska Deni ah” Siyaasi Guileed