Xog: Garowe oo Xaalada Qalafsani ka Taagan Tahay

0

Waxaa maanta ka jira magalada Garowe ee caasimada Puntland cakirnaan siyaasadeed. Wararka ay helayso warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes ayaa sheegaya in uu kacdoon siyaasadeed ka bilowday magaalada Garowe. Waxaa maantay, 04-08-2014 ay ciidamo hubaysan la wareegeen gacan ku haynta xarunta aadka muhiimka u ah ee TVga iyo Idaacada Puntland.  Kacdoonkan siyaasadeed ayaa wuxuu ka dhashay ka dib markii si aan ka fiirsi lahay madaxweynaha Puntland Dr Gaas uu u cariyey ama sahaqadii uga qaaday madax iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud. Isagoo ku bedelay kooxdiisa ”isbedeldoonka” una badan jufadiisa hoose.

Madaxweyne Dr Gaas ayaa 24 saac ee lasoo dhaafey xilkii ka qaaday xubno ay ka mid yihiin Taliye ku xigeenkii ciidanka booliska Puntland Gen Muxuyadiin, Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntland Cumar Cabdulahi, Agaasimaha Ciidanka PIA Cabdi yare , Taliyaha Dekeda Bosaso ,Agaasimaha guud ee Warbaahinta Puntland kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda beesha Ciise Maxamud, uuna ku bedelay Prof Gaas Saraakiil cusub oo intooda badan kasoo jeeda beeshiisa.

Arintan ayaa waxay abuurtay xasaasiyad xoog leh oo ay ku beerto beesha Ciise Maxamuud

Qaar ka mid ah Gollaha Dhaqanka Gobolka Nugaal , Siyaasiin, Aqoonyahano, iyo Masuuliyiinta kasoo jeeda beesha Ciise Maxamuud ayaa shirar xasaasiya la leh saraakiisha ciidamada ee bedelka lagu wada sameeyey mar qura.

Lama garanayo sababta ka danbaysa talaabadan uu Madaxweynaha Puntland ku bartilmaansanayo beesha Ciise Maxamuud.

Waxayna taas keentay inay dad badan u fasirtaan xilal ka qaadista uu ku samaynayo Madaxweyne Gaas beesha Ciise Maxamuud inuu yahay mid ku saabsan dagaal aan gabasho lahayn oo ku wajahan beesha Ciise Maxamuud.

Dr Gaas ayaa intii uu xukunka yimid waxaa uu ku howlanaa sifaynta ama shaqo ka cayrinta madaxdii aysan beelahoodu ka tirsanayn kooxdiisa ”isbedeldoonka”

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *