“XOG” Ciise Maxamud oo maanta ku shiray Garowe

0

468

Ka dib kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen maanta magaalada Garowe Wax-garad, Issimo, Saraakiil, Aqoonyahano iyo Siyaasiin waxa la go,aamiyey inay la wareegaan xaalada ka jirta magaalada Garowe iyo Sidii wax looga qaban lahaa labada Issim ee Gobolka Nugaal Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

469

Waxaana lagu guulaystey in si wada jir ah looga soo saaro ciidanka  la wareegey maanta xarunta telefishinka Dowlada ee Puntland tv iyo Qodobo kale oo dhowra sidii wax looga qaban lahaa.

Kulanka ayaa lagu dhagaystey cabasho ay soo gudbiyeen dhowr oo ka tirsan masuuliyiin xilal ka haya Dowlada oo isugu jira saraakiil iyo kuwo kale, islamarkaana sheegey inay jiraan dhibaatooyin mar-ba marka ka danbeeya soo xoogeysanaya oo ay faquuq iyo takoor ugu geysteen Madaxweyne Gaas iyo Xulufadiisa oo ka dhigay  6-dii bilood ee lasoo dhaafey dadka kasoo jeeda Nugaal  sidii “Tuko canbaar leh oo kale”

Waxaana ka mid ahaa dhibaatada lagu faquuqay iyada oo aysan jirin mushahaarooyin iyo xuquuq la siiyey gutooyin badan oo ka tirsan ciidanka dowlada Puntland iyo Saraakiishooda ka dib markii oo loo arkay kuwo lasoo shaqeeyey Madaxweynihii horre ee Puntland Dr Faroole.

Madaxweyne Gaas iyo Xulufadiisa isbedel doonka ayaa u dhaqmayay mudooyinkii danbe qaab cadiifad ay ku dheehan tahay islamarkaana aysan suurto gal ahayn in lagu tirtiro raadka wax-qabadka ay ku guulaystay Xukuumadii horre oo uu ka mid yahay dhismaha ciidan xoogan oo ay leedahay Puntland.

Halka lagu cadeeyey shirka intii uu socday in xil ka qaadistu meesheeda  tahay, balse ay muhiim tahay sidii loo gudbin lahaa go,aan loo dhan yahay oo ku aadan wax ka qabashada dhibaatada baaxada leh ee jirta, madaama jiritaanka uu ku dhisan yahay heshiiska beelo walaalo ah ka dhashay.

Guddi si gaara shirka looga xulay ayaa soo qori doona go,aamada ku salaysan mowqifka ay ka qabto bulshada Garowe qaabka uu u dhaqmayaan Madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa islamarkaana lagula macaamilayay mudooyinkii u danbeeyey Masuuliyiintii horre ula soo shaqeeyey Xukuumadii horre  oo sida la ogsoonaa si wanaagsan ugu wareejisay masuuliyada Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa

Lama garanayo sababta ka danbeysa in uu caan ku noqdo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu la dirirka ay cadaawad dhow kaga samaysanayaan dadkii horre ula soo shaqeeyey Madaxweynihii horre ee Puntland

Xigasho: Puntlandfox

Daabacaada: Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *