Sawiro: Madaxweyne Gaas oo u dhoofay Dubai

1 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa manta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug , iyagoona ku sii jeeda Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wefdiga Madaxweynaha oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil madaxtooyada ka tirsan ayaa waxaa garoonka ku  sii sagootiyey Wasiiro iyo masuuliyiin kale .

Madaxweyne Gaas oo inta uusan ka amababixin Garoonka diyaaradaha  la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo martiqaad rasmi ah oo uu kahelay waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha oo halkaasi ku sugnaan doona muddo kooban ayaa  waxaa uu kulamo laqaadan doonaa Madaxda ugu sarraysa dalkaasi, waxaana uu kala hadli doona sii xoojinta mashaariicda horumarineed ee dawladda isutagga imaaraadka carubtu kafuliso Puntland iyo adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee kadhexeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta .

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntand kafulisa mashaariic horumarineed  oo ay kamid yihiin Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Ladagaallanka Burcad Badeedka.

 

IMG_5469IMG_5476IMG_5479IMG_5488IMG_5492IMG_5493IMG_5503IMG_5510

About The Author