Xabsiga Gaalkacyo oo ay ka dhacday dhimasho & dhaawac

02 May 2024 (Puntlandes.com) Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegayaa xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis u xiran dembiyo kala duwan.

Mid ka mid ah maxaabiista ayaa geeryooday, 10 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, 4 ka mid ah ayaa la sheegay in dhaawacyadooda ay yihiin kuwo culus oo hadda xarumaha caafimaadka lagula tacaalayo.

Marxuumka geeryooday ayaa dhaawacyo cul culus qabay, waxaana uu u geeryooday dhaawaca kadib 24 saacadood oo uu ku jiray xaalad kooma ah, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil caafimaadka.

Saraakii dowlada ka tirsan ayaa laga soo xigtay in ciidamada ilaalada xabsiga ay u gacan qaadeen maxaabiista oo isku dayay inay baxsadaan, balse ma jirto cid ka madax-banaan oo xaqiijisay sida wax u dhaceen.

Dowladda iyo maamulka ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay xabsiga, xilli ehelada marxuumka iyo kuwa dhaawacmay ay dalbanayaan in baaritaan sax lagu sameeyo sida wax u dhaceen.

About The Author