Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo kulan la qaatay Hay´adda IFAD oo ka Taageerta Mashaariicda Hormarinta Xoolaha

02 May 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Cumar cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa kulan la qaatay Hay´adda IFAD oo ka Taageerta Mashaariicda Hormarinta Xoolaha Wasaaradda.

Kulan waxaa kasoo qayb-galay Wasiir ku xigeenka Wasaradda, Wasiir Dowlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud , Agaasimaha Qorshaynta, Lataliyaha Arimaha Mashaariicda iyo Xoghaya Wasaaradda.

Dhanka kale waxa kasoo qayb-galay Xubnaha Matalayey IFAD oo kala ah Morwenna Sullivan project Evaluation/review Team leader, Christa Ketting program officer Somalia country program iyo sidoo kale masuuliyiin ka socotay NGO-da kala ah CEFA iyo VSF Germany

Waxaa laga wada hadlay Mashaariicdii hore ee Wasaaradda ay la wadeen, waxa laga faa´iiday inay noqdeen kuwa najaxay.

Wasiir Cumar ayaa ku dheeraaday iyadoo la raacayo Siyaasadda Dowladda ee la dajiyey muhiimadda ay leedahay in mashaariicda lagu saleeyo baahida ay soo gudbiso Wasaaraddu.

Ugu danbayn waxaa la isla qaatay in la yeesho xirir joogtaa lagana wada-shaqeeyo Sidii loo hormarin lahaa waxyaabaha hortabinta u leh ee ku saabsan xannaanada xoolaha.

About The Author