Daawo video: Isbadal ka muuqda Booliska Dawladda Puntland & Tayaynta ay Xukuumadda Gaas ku samaysay

12 Nov 2015 (Puntlandes)  Bilihii u dambeeyey waxaa CAD u muuqday Isbadal balaaran ee ku yimid Ciidanka Booliska Dawladda Puntland iyadoo ay Xukuumada madaxweyne Gaas tayadoodaa ay si aad ah kor ugu qaaday.
151dc

Isbadalka ayaa si xawli ah ku bilowday kadib markii Madaxweynaha Dawladda Puntland uu taliyaha Ciidanka Booliska Puntland u magacaabay Janaraal Cabdirisaaq Afguduud oo dardar geliyey Tayaynta iyo tababaridda Ciidanka Booliiska.

151de

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa helay qalab ay ku gutaan Waajibaadkooda shaqo iyagoo wada shaqayntii loo baahnaana ka helay Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Sareeyo  Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo aad isugu hawlay sidii uu gacan uga gaysan lahaa dib usoo celintii Sharaftoii iyo Karaamadii Ciidanka Booliiska, waxaana iminka ka dheexa Taliyaha Ciidanka Booliska DFS iyo Ciidanka Booliska Puntland wada shaqayn aad u dhow ahna tii loo baahnaa.

Koor Films ayaa Documentary ka diyaariyay isbadalka aadka u balaaran ee ay Ciidanka Booliiska Puntland Hiigsadeen ama ku talaabsadeen

Hoos Ka Daawo Isbedelka ka muuqda Ciidanka Booliska Dawladda Puntland

Puntlandes.com

About The Author