Paris: 153 dhimasho ah & Yurub oo uu ruxay weerarkaas

14 Nov 2015 (Puntlandes) Ugu yaraan 153 qof ayaa lagu dilat 7 weerar oo kala duwan oo Xalay lagu qaaday magaalada Paris ee Caasimadda wadanka Faransiiska, halka ay dad ku dhow 200 oo kalena ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa ruxay guud ahaan Qaarada Yurub iyadoo uu abuuran jawi cabsi ah ayna ciidamadu amaanka ee wadanada kala duwan ku hawlan yihiin sidii ay ugu hor tagi lahaayeen in weerar caynkaas oo kale ah uu ka dhaco dalkooda.

Madaxweynaha Faransiiska Hollande oo goor dhaw dadkiisa la hadlay ayaa sheegay in weerarkii xalay ay ka dambaysay kooxda ISIS.

About The Author