Xog: Diyaar Garow Xoogan Oo Laga Dareemayo Caasimada Dawlada Jubbaland ee Kismaayo

Caasimada Dawlada Jubbaland ee Kismaayo ayaa Laga Dareemayaa isku diyaarinta shirka madasha wadatashiga qaran ee go’aanka looga gaari doono qaabka Doorasho ee dalka Soomaliya ka dhici doonta Sanadka 2016 Bisha Agoosto, Dawlada iyo shacabka Jubbaland ayaa si xoogan ugu diyaar garoobay shirkaas Muhiimka ah.

Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa Magaalada Kismaayo ka qabsoomi doona 10, Janaayo 2016 ayadoo lafilayo in ay ka soo baxdo natiijo kama danbays ah oo ku saabsan nooca doorasho ee Dalku galayo, Waxay ahayd maalinimadii shalay Markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Uu xariga ka jaray Guriga Martida Jubbaland Noqona doona Hoyga ay Madaxda Ka qaybgalaysa shirku dagi doonto.

Amniga Caasimada Jubbaland ee Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay waxana lagu arkayaa wadooyinka Ciidamada Booliska iyo Kuwa Daraawiishta Jubbaland oo Amniga Sugaya, waxaa baaritaano lagu wadaa Dhaman gaadiidka iyo dadka adeegsada wadooyinka Halbowlaha u ah Magaalada.

ISku soo wada duuboo Dhamaan ummada Soomaliyeed ayaa rajo wanaagsan ka muujinaysa shirka 10ka bisha Janaayo ka qabsoomi doona Kismaayo wuxuuna noqday mid ay hadal hayntiisu ku badantahay dhamaan magaalooyinka Waaweyn ee Dalka iyo dibadiisaba.

About The Author