TOP NEWS-Dhegeyso: C/kariim ”in Soomaaliya isbedel Siyaasadeed yimaado oo Hogaan cusubna uu yimaado ayaan taageersan ahay”

06 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka tirsanaa Kooxda DAMUL JADIID ayna aad isugu dhawaayeen madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa waxa uu si cad oo aan gabasho lahayn u sheegay inuusan taageersanayn in Xasan sheekh uu mar kale Kursiga madaxtinimada Soomaaliya ku noqdo iyo in xataa waqtiga loo kordhiyo.

175e

Cabdikariim ayaa yiri mar uu ka hadlayey Mudo kordhin loo sameeyo Xasan Sheekh iyo in dib loo soo doorto ”Xataa haddii loo sameeyo muddo kordhin ma aaminsani inay ku dhamayn karaan Mandhaydkii la siiyeey, waxaa ka haboon in Isbedel Siyaasadeed uu yimaado, in Hogaan cusub iyo maamul cusub intuu yimaado ay aragti cusub la yimaadaan, marka ANIGU WAXAAN SOO DHAWAYNAYAA IN ISBEDEL DALKA KA DHACO”

Cabdikariim oo hadlay saaxiibtinimadii ka dhaxaysay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri ”Dabcan Saaxiibo waan ahayn madaxweynaha .. qof kasta oo Soomaali ah siduu saaxiib ula yahay uun baana saaxiib ula ahay, waa sax oo madaxweyne ayuu ii ahaa ana Wasiir ayaan u ahaa .. LAAKIIN anigu hadda waxaan madaxweyne u ahay matalaa dal iyo Deegaan Galmudug la yiraahdo”

Dhanka kale Cabdikariim ayaa sheegay in Siyaasadu aysan lahayn Saaxiib daa’im ah laakiin waxay leedahay Dan daa’im ah, isagoo ka hadlaya Saaxiibtinimada Siyaasadeed inaysan joogto ahayn.

Hadalkaan kasoo yeeray Cabdikariim ayaa muujinaya inay isaga iyo saaxiibkiis madaxweyne Xasan Sheekh ay ku kala tageen DAN SIYAASADEED sida uu sheegay Cabdikariim.

Dhagayso Cabdikariim


Puntlandes.com

About The Author