Falanqaynta Todobaadka Iyo Puntland (Qaybta Koowaad)

Sabti 15 ka nov 2014 ayey ahayd markii uu Puntland dib ugu soo laabtay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Mudane Cabdullaahi Jaamac Saalax wuxuuna sheegay in ay heshiis ganacsi wada saxiixdeen dawlada Puntland iyo jan Jabuuti

Dulucda Heshiiskani waa in Ganacsatada Puntland lagu qasbo in ay Isticmaalaan Dekedda Jabuuti si Transit ah iyagoo waligood u isticmaali jiray Dekedda Dubai. Heshiiskan sidii kii ka horeeyey ee ay Xukuumada Dr Gaas la gashay dawlada jabuuti oo ku saabsanaa kaluumaysiga, heshiiskaa oo u fasaxaya dawlada uu hogaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle in ay u noqoto Dulaal qowlaysatada Boobta Baddeena. Heshiiskii hore looma sharxin dadka reer Puntland lamana keenin Baarlamaanka kana lagama sugayo Xukuumada Dr Gaas in ay keento Baarlamaanka. Jabuuti waxaa caado u noqotay in ay Hunguri ka doonaan wax kasta oo ay wax ku helayso Xukuumada uu Hogaamiyaa Ismaaciil Cumar Geelle waxaana hada Puntland xukuma madaxweyne waxba ma diide ah.

Axad 16 kii nov 2014 ayey ahayd markii ay Bulsha rayidka Puntland soo saareen Qaylodhaan ay dhawaaq dheer ku sheegeen in la aqoonsado doorka ay ku leeyihiin fulinta Barnaamijka New Dealka.

Barnaamijka New Dealka waxaa isku koobtay Xamar oo kaligeed maamulatay kuna qoratay warqado dad ay ku sheegtay Bulshada Rayidka waana taas tan ay Qaylodhaanta ka keeneen. Aaway dawladii u doodilahay oo xaqooda u soo dhicin lahayd? Oo mooyee meeday ..Meeday?

Isniin 17 ka nov 2014 ayey ahayd markii uu Madaxweynaha dowlada Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu xariga ka jaray isbitaal loogu talo galay daryeelka hooyada uurka leh iyo dhallaanka.

Waa Gadiisiiye, Dr Gaas ”soo Photo Opportunity maaha” eeg sawiradan hoose

933 934

Isbitaalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo laga hirgaliyo Garoowe ayaa waxaa maal galiyay hay’ada UNFPA aad baanuna ugu mahad celinaynaa. Isla maalinkaas wuxuu Dr Gaas markale sawiro iska qaadid fursad u helay isagoo madaxweynuhu uu furay mashruuc balaraan oo ku saabsan ololaha ka hortaga umul raaca hooyooyinka, kaas oo ay maal galinaya hay’ada UNFPA.

Lakiin su’aasha iswaydiinta mudan waxaa weeye maxay dadkii doortay u qabatay Xukuumada uu hogaamiyaa Dr Gaas ma inay Canshuurta kororsadaan deetana cunaanbaa loo doortay? Waa yaabe isbedelkii ma saanuu noqday? Aaway doorkii dawlada Puntland

 

Isniintii waxaa maamulka Koonfur Galbeed mdaxweyne loogu doortay siyaasiga caanka ah Xildhibaan Shariif Xasan. Faahfaahin halkan riix   Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari iyo Raysul Wasaare Cabdiwali ayaa soo saaray Qoraal ay ku hakiyeen shirka Baydhabo ka socday. Xildhibaan Shariif wuxuu taageero ka haystay Wasiirka aadka u awooda badan ee Faarax C/qaadir.

Talaado 18 kii nov 2014 ayey ahayd markii ay Puntland soo saartay warmurtiyeed ay ku taageertay doorashada Shariif Xasan loo doortay madaxweyne, hoos ka akhri.

Sidaas ayey dawlada Dr gaas kula safatay labadii garab ee isku hayey Xamar mid ka mid ah kaasoo ah Garabka Faarax iyo madaxweynaha iyagoo dhabarka u duway Garabkii Sharciga ku taagnaa ee Raysul Wasaare Cabdiwali.
Waa mudan tahay in ay Puntland soo dhawayso dawlad kasta oo dhisanta buuxisana sharuucda dawladnimo laakiin in ay aamus ku jawaabto tan ayey ahayd maadaaba ay labo Garab isku hayeen.

Isla maalinkaas habeenimadiisii waxaa Allaha u naxariistee gacan ka xaqdaran magaalada Gaalkacyo ku dishay wariye Cabdirisaaq Silver  Faahfaahin halkan riix. Aaway Faankii iyo nabad bay ka dhigtay Gaalkacyo Xukuumada uu Hogaamiyaa Dr Gaas ma saanaa?

 Dr Gaas waxyaalihii ugu waynaa balanqaadkiisii markii ololaha doorashada waxy ahayd Puntland baan dadkeeda midaynayaa! Beesha SSC ayaa shir isugu keenayaa! Cajiib Soomaalidaa waxay tiraahdaa ”Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara” Maxadweyne Gaas hadduu uu ku Guuldaraystay Gobolkiisii ma Gobol kale oo Puntland ayuu dadkiisa isku keeni karaa? Ma Gobol kale oo Puntland ayuu Isbedelkuu sheeganayey ka fulin karaa? Jawaabtu waa maya

Arboco 19 kii nov 2014 ayey ahayd markii uu furmay Shirkii waqtiga badan la sugayey ee New Dealka kaasoo ka furmay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark. Shirkaas Dr Gaas waa ka baaqsaday wuxuuna u dirsaday Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah hadaba su’aashu waxay tahay muxuu uga baaqsaday Gaas Shirkaas? Eeg sawirka hoose ama halkan Faahfaahin halkan riix

925

Markuu ogaaday in madaxweyne Xasan dhex Fariisin dooono Gudoomiyaasha Gobolda sida Banaadir, SH Dhexe iwm sidaas awgeed ayuuna uga baaqsaday madaxweyne Dr Gaas. Xusuuso Akhriste shirkan kii ka horeeyey iyo maqaamka  Puntland uga qaybgashay hadana waxay uga qaybgashay Gobol Somalia ka mid ah oo kale!!! Oo yaa saas ka dhigay? Yaa kale waa Isbedelkii!!

 236

Xukuumada Dr Gaas waxaa tooshka u haya (Isbedeldoonka) Guulwadaayaal uu ku soo xushayDurbaankii ay u garaacayeen markii uu Dr Gaas Ololihii Doorashada ku jiray. Madaxweyne Gaas na waa nin aad iyo aad u jecel amaanta iyo in sidii kaligood taliyayasha loo amaano bal eeg TV Puntland markasta oo warku soo galayo waa amaanayaa markii warka madaxdiisa la shagana waxaa la leeyahay faahfaahinta warka la soco amaanta madaxweynaha ka dib. Sidaan Puntland dam uma ahan.

 

Golaha Wasiirada shirkooda waxaan ku soo qaadanaynaa Qaybta  labaad

 

117

 

Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux

Daabcaada: Puntlandes.com

 

About The Author