Wadashaqayn la’aanta iyo kartidarada madaxda Gobolka Mudug oo sabab u ah amni la’aanta Gobolka

Gaalkacyo (Pes) Gobol kastaa waxa uu leeyahay Gudiga Amniga Gobolka waxaana madax u ah Gudoomiyaha Gobolka oo ah madaxweynihii Gobolka waxaana Xubno ka ah Gudiga Taliyayaasha Ciidamada kala duwan sida Daraawiishta Gobolka, Booliiska Gobolka, Nabadsugida Gobolka, Ciidan Birmadka Gobolka iyo Gud. Degmooyinka.

Gobolka Mudug sharcigaas kama jiro oo waxaa xukuma Gobolka iyo xaruntiisaba magaalada Gaalkacyo ”Boqorka Mudug” Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare.

Marka maba ka qabsoomo Gobolka Mudug kulan Gudiga Amnigu isugu imaadaan mana jirto shaqo ay dadka u hayaan. Mana jirto cid ka amarqaadata Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigeey.

Gudoomiyiha Gobolka Mudug  Mr Tigeey oo Gudoomin lahaa shirkaas waxaa looga shakisan yahay in uu ku biiray Kooxda Al-Shabaab, faahfaahin halkan riix

Ma jirto habayaraatee wax dawladnimo ah ama wada shaqayn ah oo ka dhaxaysa madaxda Gobolka Mugug waxaana u sabab ah Boqorka Gobolka Mudug Mr Gaadayare oo aan doonayn in ay Gobolka ka jirto cid aan isaga ahayn marooqsadayna dhamaan awoodihii sharciga ahaa.

Gobolku wuxuu tan iyo intii Puntland la aasaasay hoy u ahaa Dawlad la’aan, Fawdo, isku dhexyaan, MUSUQMAASUQ, Wax qabad la’aan, Amni la’aan iyo dayac hareeyey Gobolka iyo Xaruntiisa Gaalkacyo.

Taliyayaasha Ciidama Gobolku ma wada shaqeeyaan, lamana shaqeeyaan madaxda kale. Waqtigan xaadirka ah taliyaha Ciidamada Birmadku Cabdirashiid Xassan Xaashi (Gebi-Gebi) wuxuu hawlgab ka dhigay ciidamadii Birmadka Gobolka iyagoon ka qaybqaadan sugida Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Hadaba wadashaqayn la’aantan waxay keentay in ay Amni la’aanta ka jirta Gobolka Mudug ay gaarto meeshii ugu Xumayd.

xafiiska wararka ee Gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author