Dawladda PL oo keentay Bosaso Makiinada daabacaysa lacagta faalsada SH.SO

Waxaa dhisme cusub looga bilaabay meel ku dhow xarunta bangiga dhexe ee magaalada Bosaso Warshada ay qorsheynayo Dawladda Puntland inay u daabacdo lacag cusub oo shilin Somali ah sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta xubno ka tirsan ganacsatada Gobolka Bari.

 1358

Koox injineero ah oo loo xil saaray inay dhisaan xarunta daabacaysa  lacagta faal-sada ayaa wararku sheegayaan inay gudo galeen  shaqada ay ka bilaabeen goob aan sidaas uga fogeyn halka ay ku taalo xarunta Bangiga Dhexe ee magaalada Bosaso.

Waxaana bilaabitaanka dhismahan uu dabo socdaa amar kasoo baxay Madaxweynaha Puntland oo lagu go,aamiyey in la keeno magaalada Bosaso makiinad daabacda Shlin Somali Xilli ay uga digeen Madaxweyne Gaas guddiyo isugu jira Culimada iyo Dhaqaalaha khatarka ay u horseedi karto koror ku yimaada sarifka lacagta qalaad iyo maciishada.

Bilo ka hor kulamo wada tashiya oo uu Madaxweyne Gaas kala yeeshey guddi ka kooban Culimo’udiin iyo Khuburo ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ayaa talo kusoo jeediyey in uusan keenin maamulka Puntland makiinad u daabacda lacagta shilin Somaliga iyada oo laga qiimeeyey dhinacyo ay ka mid yihiin inaan la xakamayn karin keenista makiinado kale oo ay la yimaadaan Dad kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey warbaahinta inaysan ka dhaadhicin Madaxweynaha Puntland talada ay u jeediyeen dhinacyada uu horey arrintan la tashiga uu kala sameeyey islamarkaana hadda lagu howlan yahay keenista Bosaso makiinad daabacaysa lacagta shilin Somaliga.

Puntlandes.com

 

About The Author