Xog-Sir Culus: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo lagu Tuhunsan yahay in uu Al-Shabaab xiriir la leeyahay

Gaalkacyo (Pes) Warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Madaxbanaan ee Puntlandes ka heshay mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Mudug  Maxamed Yuusuf Tigeey looga shekisan yahay in uu xiriir la leeyahay Kooxda mayal adag ee Al-Shabaab.

Ilahan warka usoo dusiyey Puntlandes.com ayaa u xaqiijiyey in uu markii uu xamar ka soo noqday uu joojiyey Gudoomiye Tigeey ilaaladiisii waardiyeyn jirtay.  Gudoomiye Tigeey ayaa Xamar ku maqnaa labo bilood iyo bar isagoo sida uu qabo mas’uulikan la haday PES uuaaminsan yihiin in uu Gudoomiye Tigeey Xamar Heshiis kula soo galay Al-Shabaab.

Mas’uulkan waxa kale oo u xaqiijiyey Puntlandes in lagu tuhunsan yanay Gudoomiye Tigeey in uu wax wayn kala socdo Amni darana la soo deristay magaalada Gaalkacyo mudooyinkan dambe iyadoo ay ku soo bateen Qaraxyadu.

Xafiiska wararka ee Gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author