Daawo: Isbar-bardhig Teminalka abdullahi yusuf international airport iyo Cadaada Airport

Gaalkacyo (Pes) Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku yaala Airport caalami ah kaasoo aad mashquul u ah laakiin nasiib daro Airportka waxaa haysta maamulxumo iyo Musuqmaasuq baahsan. Lacagta ka soo xaroota Abdulahi Yusuf International Airport waa lacag aad iyo aad u farabadan, laakiin nasiib daro waxaa ku tagrifala si shaqsiyan ah Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagaweyne. Mr Dhagawayne waxaa Mareeye u magacaabay AUN Cabdulaahi Yuusuf sanadku markuu ahaa 1991 ilaa iyo iminkana isagaa iska maamusha, faahin ku saabsan Mareeyaha Airporka hakan ka akhri.

699

Maareeye Mr Dhagawaéyne

Airport ka bal hoos ka eeg Sawirka Terminalka Abdulahi Yusuf International airport.

1359

Akhriste bal bar-bar dhig Terminalka Airportka Cadaado oo dhawaan la dhisay aysana isticmaalin 10 meelood meel ka mid ah Diyaaradaha isticmaala Abdulahi Yusuf International Airport.

1363 1362 1361

Maxaa keenay Abdulahi Yusuf International Airport uu sidan u ekaado kan Cadaadana uu sidan u ekaado? Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”Booli kugu raagtay xoolahaagaad moogaa” Mr Dhagaweyne ma isagaa horta leh Abdulahi Yusuf International Airport mise shacabka Puntland gaar ahaan kuwa Mudug? Abdulahi Yusuf International Airport ma dadkuu ka dhexeeyaa mise ninbaa leh? Waxaa lagu tilmaami karaa Masiibo u soo hoyatay shacabka Mudug in Abdulahi Yusuf International Airport oo soo saara Dhaqaale farabadan oo ay waxna ugu qaban karaan waxna ku qabsan karaan uu saan noqdo

1364

Waxaa wax laga naxo ah Prof kii Dhaqaalayahanka ahaa maxadweyne Dr Gaas ee lahaa Puntland baan Horumar gaarsiinayaa, Puntland baan cadaalad ka yeelayaa uusn waxba ka qaban Khaasatan waa Gurigiisii, waa Gobolkuu ka soo jeeday. Soomaalidaa tiraahda ”Ninkii Gurigiisa daryeelaa ku kale wax ka qaban kara” Waxaa tusaale iyo BOOG ku taal Hogaanka Dr Gaas u ah waxa ka socda Gobolka Mudug

Puntlandes.com

About The Author