Madaxwaynaha Jabuuti oo soo jeediyay in Dastuurka KMG ah ee Somalia dib loo eego

Madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inay muhiim tahay dib u sixid in lagu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna saas yir isagoo waraysi siiyay VOA-da.
1368
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay khilaafka soo laalaabtay ee madaxda DFS u dhaxeeya inuu sabab u yahay Dastuurka oo uu sheegay inuu khaladaad ku jira isla markasna ay muhiim tahay in lagu qeexo awoodaha Madaxwaynaha iyo RW Soomaaliya.

Geelle ayaa sidoo kale waraysiga uu baxshay kaga hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay Afhayeenkii AMISOM Col.Cali Aadan Xaamud oo Reer Jabuuti ahaa, wuxuna sheegay Sarkaalkaasi inuu ka dhamaaday waqtigiisii laguna badalay masuul kale oo Kenya kasoo jeeda.

Puntlandes.com

About The Author