Dhagayso: Gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo oo ka hadlay baahida loo qabo in Mudug hesho Gudomiye Gobol oo u shaqeeya

Gaalkacyo (Pes) Gudoomiye Gobol laba magacaabeen mana jireen haddii aan loo baahnayn ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdala oo la hadlay dadweynaha Gaalkacyo. Wuxuu Gudoomiye Yacquub yiri isagoo sii sharxaya baahida uu Gobolka Mudug u qabo Gudoomiye Gobol oo shaqaaeya aniga Degmadayda kama badin karo, Gudoomiyaasha kalena kama badin karaan degmooyinkooda marka waxaa meesha ka maqan isku xirkii dawlada dhexe iyo Gobolka Mudug. Wuxuu kaloo sii raacshay in ay meesha ka maqan tahay soo ururintii iyo u gudbinta dawlada Puntland baahida uu qabo Gobolka Mudug.

Dhagayso hadalka Yacquub

 

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaya iyadoo aan la aqoon sababta uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigeey uga maqan yahay Gobolka, iyadoo uu Gobolka hareeyey Amnixumo tii ugu darnayd abid.

Dadwaynaha ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo foodsaartay dareen wal-wal iyo cabsi ah waa tan koowaade Amnixumada oo gaartay meeshii abid ugu xumayd iyo wal-wal Amni iyo mid siyaasadeed oo ay ka muujiyeen waxa Cadaado ka socda.

1309

Gaadayare

1353

Gaagaab

699

 

Dhagaweyne

1336

Gebi-Gebi

Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo waxaa waxaa ku habsaday ayaandaro tii ugu xumayd iyadoo ay talada Gobolka iyo xaruntiisa magaalada Gaalkacyo ay ka go’do Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug), Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagaweyne iyo Kooxdooda uu ninka sadexaad ka yahay Mr Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ay walaalo yihiin Boqorka Mudug, uuna xubinta ka yahay Taliyaha ciidanka Birmadka Mudug,C/rashiid Xassan Gebi-Gebi.  Wax wadashaqayn ah oo ka jira Gobolka Mudug ma jiro waa taas tan sababta u ah Amni la’aanta iyo Horumar la’aanta ka jirta Gobolka. Waligiisna Gobolka Mudug iyo xaruntiisaba Horumar iyo Amni gaarimaayaan inta ay nimankaasi ku hor Gudban yihiin.

822

Tigeey

Gudoomiyaha Gobolka Mudug  Maxamed Yuusuf Tigeey  ayaa sida xogta ay ku heshay Warbaahinta Madaxabanaan ee Puntlandes.com waxaa jira tuhun wayn oo lagu tuhunsan yahay in uu Heshiis la gaaray Kooxda Al-Shabaab.

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author