XOG: Kooxda Gaadayare iyo Dhagawayne oo eed culus dusha uga tuuray Duqa Gaalkacyo

Gaalkacyo (Pes) Jahwareer ayaa ka taagan Gobolka Mudug gaar ahaana xuruntiisa magaalada Gaalkacyo,kaddib markii Amnixumadu ay gaartay meeshii ugu xumayd.

Dhacdooyinkii Amnixumo oo is xigxigay ayaa sabab u noqday in shacabku indhaha kala furaan.

Hadaba waxaa awooda ugu saraysa leh Gobolka Mudug iyo Xaruntiisaba waa Kooxda uu Hogaamiyo Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) waxayna bilaabeen iminka in ay marin habaabiyaan shacab Gaalkacyood waxayna hada farta ku taagayaan in uu masuul ka yahay Amnixumada Duqa magaalada Gaalkayo oo aanba lagu arkin Xafiiskiisa iminkana ku sugan wadanka Swedeen.

Kooxda Boqorka Mudug waxay amreeb Taliyaha Ciidanka Birmadka Mudug C/rashiid Xassan Gebi-Gebi in uu joojiyo howl-gallo lugu xoojinayay amniga oo laga waday magaalada Gaalkacyo baaritaano kala duwan.

Ciidanka Birmadka Mudug oo ka shaqeynayay sugida amniga Gaalkacyo ayaa joojiyay baaritaanno iyo howlgallo lugu xoojinayay amniga,kaddib markii ay sidaas amreen Kooxda Boqorka Mudug. Ka dibna waxay ka cosadeen Mr Gebi-Gebi oo xubin muhiim ah ka ah kooxdooda in uu ku eedeeyo in uu masuul ka yahay Duqa magaalada Gaalkayo

“Sababta ay u howlgali waayeen ciidanka Birmadka ee ka shaqeynayay amniga waxaa ay tahay in maamulka degmada gaar ahaana dowlada hoose ay joojisay dhaqaalihii loogu tala-galay inay ku baxaan howlgallada ay ciidanka sameynayaan,”sida waxaa u sheegay warbaahinta Mr Gebi-Gebi.

Ciidanka Birmadka waxaa ay ka howlgali jireen jidka dheer ee laamiga ah iyo qaybo ka mid ah magaalada,iyagoo halka farisamo ka sameysan jiray, balse todobaadyadiii ugu dambeeyay ma jirin wax ciidan ah oo sugayay amniga.

Taliyaha ciidanka Birmadka Mudug,C/rashiid Xassan Gibigibi ayaa xilligaan ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland halkaa oo la sheegay inuu ku dacwaynayo madaxweynaha Dawlada Puntland Duqa Gaalkacyo uuna u shegayo in aysan la shaqayn karin.

 

1371

Gaadayare

1353

Gaagaab

Kooxda uu Hogaamiyo Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) ayey caado u tahay in ay tashuush iyo Amnidaro abuuraan marka uu Culays fuulo iyagoo ku caan baxay ilaa iyo iminka in ay ku guulaystaan in ay isbadbaadiyaan. Laakiin isbadbaadintoodu waxay Carqadan ku yahay Horumarka iyo Amniga Gobolka Mudug. Inta ay maamulayaan Gobolkana waa uu dayacnaanayaa, waana uu Amnixumaanyaa, Talaabana Gobolku hore uma qaadayo inuu sedex talaabo dib u qaado maahee.

699

Dhagaweyne

1336

Gebi-Gebi

Wax-garadka iyo shacabka Gobolka waxaa la gaaray waqtigii ay iska dulqaadi lahaayeen Kooxdan Dhiigmiiratada ah oo aan beerna reebay.

Puntlandes.com

About The Author