Dhagayso: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay inuu dib u eegis kala diristii guddiga Maaliyada Golaha Shacabka

01 Dec 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysey ka hadley kala diristii guddiga maaliyada baarlamanka ee uu sameeyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Gudoomiye Mursal oo ku sugnaa dalka Turkiga markii uu waraysiga siinnayey VOA ayaa sheegey inuu maanta tegi doono magaalada Muqdisho, kadibna uu u eegi doono go’aanka kala dirista guddiga maaliyada, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay xeer hoosaadka barlamanka.

Gudoomiyaha ayaan si toos ah u sheegin inuu sharci yahay kala dirista iyo inkale isagoo ku adkeystey inuu marka uu dib ugu laabto dalka Soomaaliya uu arrintaas go’aan ka gaari doono.

“Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa go’aankan gaaray markaan tagno oo baaritaan aan sameeyo ayaan arki doonaa in go’aanku uu waafaqsan yahay xeer hoosaadka baarlamaanka.”ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka.

Mar la weydiiyay in uusan awood u lahayn inuu ka horyimaado go’aano ay xukuumada ku cadaadiso baarlamaanka ayuu ku jawaabay guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Arrimahaas waa arrimo mala awaal ah  baarlamaanka waa ka madax banaan yahay xukuumada mana jirto caqli sheegaya in baarlamaanku uu hoostagayo xukuumada ma aha wax jira qofkastana waxa ay ku qasban tahay inay raacdo shuruucda dalka.”ayuu ku jawaabay guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka Mursal uu ka soo horjeedo kala dirista guddiga maaliyada Golaha Shacabka iyadoo la taliyaha gudoomiyaha baarlamaanka uu sheegay inaysan sharci ahayn kala dirista guddiga maaliyada ee baarlamaanka.

Dhagayso waraysiga Gudoomiyaha

Puntlandes.com

About The Author