Akhriso Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo markii 3aad dib loo dhigay

01 Dec 2018 (Puntlandes) Waxaa markii saddexaad dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo 5ta bishaan dec 2018 oo ku beegneyd Arbacada soo socota lagu waday inay dhacdo.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in 19 bishan la qaban doono doorashada Madaxweynaha, iyagoo u sababeeyay howlaha baaxada leh, waqtiga ay heystaan iyo shaqooyinka qabyada ee u baahan in muddo cayiman gudaheed lagu qabto

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in markii ay ogaadeen martida caalamiga ah iyo xubnaha goobjooga ka noqonaya doorashada aanay ku wada imaan karin waqtigii loogu tala galay.

Waxaa kaloo Guddiga ku sababeeyay dib u dhaca doorashada in aanay u dhameystirneyn qalabkii doorashada lagu qaban lahaa, sidaas Guddigu ku go’aansaday in doorshadii lagu waday inay dhacdo 5 december dib loo dhigay, lagana dhigay 19 bisha December.

Labo jeer oo hore ayaa dib loo dhigay, waxaana xaalada Koofur Galbeed muuqataa mid allow sahal ah, marka loo eego xaaladaha ka jira Baydhabo, Guddiguna waxay raalli gelin ka bixiyeen dib u dhaca ku yimid doorashada markii saddexaad.

About The Author