Kooxda Mr Gaadayare oo laba jibaartay Jahwareerinta Shacabka Gobolka Mudug ”Waxaan taageersanahay shaqada Dr Gaas qabtay”

1371

Xisaabiyaha ”Idman” Gaadayre

Gaalkacyo (Pes) Kooxda uu hogaamiyo Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) ayaa waxay labajibaartay jahwareerintii ay ku haysay Shacabka Gobolka Mudug iyadoo iminka uu xaalkoodu yahay ”Nin daad qaaday xumbo xuskay”.  Maanta ayey waxay iyagoo adeegsanaya sidii caadada u ahayd Nabadoon iyo Oday dhaqamed waxay Shirjaraaid oo ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku qabteen Xurunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

699

Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Dhagaweyne

Mr Gaadayare oo isticmaalaya Istaratiijiyad aad u dheer ayaa sidii ay Warbaaahinta Madaxbanaan ee Puntlandes hore u soo daabacday waxaa haya wel-wel aad u xoogan oo uu ka qabo in shacabka Gobolku kacaan dabadeedna isaga iyo kooxdiisa daadku qaado ayaa waxuu bilaabay in uu isticmaalo Taatikooyin kala duwan isagoo sidii caadada u ahayd Canshuurtii Ummadda laga qaadayna u isticmaalaya Laaluush.

Ilaa iyo shalay wuxuu Gaadayare isticmaalay labo Taatiik:

  1. Filimkii Borobugaandada ahaa ee lagu lahaa Gaalkacyo Horumar lixaad leh bay gaartay
  2. Warkii loo soo dusiyey Warbaahinta qaarkood ee ahaa Amnixumada Gaalkacyo waxaa masuul ka ah Duqa magaalada Gaalkacyo oo diiday in uu bixiyo Qarashka ku baxayey Ciidamada

1353

Gaagaab

Taatikada sadexaad oo isla maantana ka soo baxday xafiiska Gaadayare ayaa ah in Gaagaab oo ah ninka sadexaad ee kooxda Gaadayare, Nabdoon Yaasin Cabdisamad iyo C/casis Ow Yusuf Xaarin Oday oo ka mid ah wax-qaradka gobolka Mudug in ay qabtaan shirjaraaid oo ay ku taageerayaan madaxweyne Gaas.

Ugu horayn waxaa hadalka qaatay Mr Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ah ninka sadexaad ee Kooxda uu Hogaamiyo walaalkiis Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) wuxuuna sheegay madaxweyne Gaas inuu ku guulaystay hoggaaminta Puntland.

Wuxuuna ku daray Mr Gaagaab intaa “Mudada sanadka ah waxuu qabtay waxii laga filayay iyo ka badan,taas ayaan u leeyahay wuu guulaystay madaxweyne Gaas”

1376

Nabadoon Yaasin Cabdisamad

Nabadoon,Yaasin Cabdisamad oo isna ka mid ah nabadoonada Gobolka ayaa tilmaamay inay ugu hambelyeenayaan madaxweynaha shaqada iyo hoggaaminta wanagsan sanadka uu shaqeeyay.Nabadoon,Yaasin Cabdisamad  ayaa intaa ku daray “Waxaan ka fileyna shaqo wanagsan madaxweynaha,way muuqata guulaha iyo hoggaaminta wanagsan ee dowladda uu horkacayo,”.C/casis Ow Yusuf Xaarin oo ka mid ah wax-qaradka gobolka Mudug ayaa dhankiisa caddeeyay dadka reer Puntland inay ku taageerayaan shaqada uu qabtay madaxweyne Gaas.

1374

C/casis Ow Yusuf Xaarin

“Waxyaalaha aadka u yaabka badan oo Kooxdani ay isticmaalayso waxaa ka mid ah oo ay Pyuntlandes ogaatay in ay dad abaabulayaan oo lacag ku siinayaan in ay aadaan Cadaado iyagoo sheeganaya in metalaan dadka dega waqooyiga Gobolka Mudug ayna doonayaan in ay wax ka dhisaan maamulka ”Gobolada Dhexe”

1336

Taliyaha Ciidanka Birmadka Mudug  Gebi-Geb

Kooxda uu Hogaamiyaa Mr Gaadayare ha ogaato in ay dhamaatay xiliyaday dadka qaldijireen waxaana la gaaray markay dadka ka hor wareegi lahaayeen. Shacabka Gobolka Mudug ee walaalaha ah waa in ay hiigsadaan Horumarka ay gaareen Gobolada asaagood ah iskana horqaadaan Kooxda Gaadayre hogaamiyo oo carqalad ku ah Horumarka Gobolka iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

1375

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Gobolka Cabdullahi Cali Barre

 

Xafiiska wararka ee Gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author