Daawo sawirka Maanta: Yuu sugayaa in uu Badbaadiyo Gobolka Mudug?

Gaalkacyo (Pes) Gobolka Mudug oo ah Gobolkii u soo halgamay, difaacay, dhidibadana u taagay Puntland waxaa lagaga jarayaa Puntland si aad iyo aad u sahlan oo qalin iyo warqad ah. Madaxweynaha Puntland ee iminka oo ka soo jeeda Gobolka Mudugna oo ay ahayd Dastuuriyan in uu difaaco midnimada iyo jiritaanka Puntland wuu eeganayaa lagama sugayo in uu difaaco Puntland maxaa yeelay maba awoodaba haddii uu awood u leeyahay Barqo cad CabdiQaybdiid kama dhaceen mana dheheen Arooy fad ama ha fadin waa lagu fadsiin.

1377

Sool tii labaad

Madaxwreyne Dr Gaas iyo tageerayaashiisu waxay rabaan si ay ku sii joogaan Puntland in ay ku doodaan waanu diidnay oo af ah.  Micnaha uu Dr Gaas ka leeyahay waa in dawlada Xamar Mapka aduunka ku darto in Gobolka Mudug oo dhan laga xukumo Galgaduud ee awalba xoog in ay ku qabsato kuma aysan talo jirin.

Hadaba Gobolka Mudug dadkiisu ma waxay doonayaan in Puntland na tiraahdo anagay naga tirsan yihiin Cabdiqaybdiid na yiraahdo anay iga tirsan yihiin oo xukuma?

Haday taas doonayaan waxaa u Istiraatiijiyad roon in ay hada wax ka raacaaan Galgaduud!!!!!

Gobolka Mudug waa Puntland iminka wuxuuna u baahan shaqo culus in uu kasii mid ahaado Puntland kamana muuqato Shacabka Gobolka Mudug shaqadaas ee su’aashu waa maxaad damacdeen dad la BOOBO ka waynidine? Ma Gaas kan in aad ku barataan aad taqaanaan baad ka sugaysaan mise cid kalaad sugaysaa in ay Cabdiqaybdiid idiinka difaacaan Gobolka Mudug?

Puntlandes.com

 

About The Author