Daawo Video: Madaxweyne Gaas oo sheegay in wajigii labaad ee dagaalka Buuralayda Galgala Guul ku soo dhammaaday

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Goor dhaweyd Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku xaqiijiyey in uu bilowday wajigii labaad ee dagaalka ay dawladdu kula jirto Burcad diimeedka Ururka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Galgala .

1373

Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa dagaalkaan waxa ay ku soo hoyeen guul halka ay dhabar jab xoogan gaarsiiyeen kooxda argagaixisada ah ee Al-shabaab, waxana ay cadowga ka dileen 34 halka ay ka dhaawaceen 17, waxaana ay ka gubeen laba mootar oo mid uu yahay kan loo yaqaan 82 midna uu yahay 62.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dagaalki dhacay 27 ilaa 29-kii bishii hore uu ciidamada Puntland wax dhimasho iyo dhaawactoona ka soo gaarin, waxaana ay ku qabsadeen dagaalkaasi saldhigyo horleh oo ay samaysteen kooxda Al-shabaab, waxaana kamid ah saldhigyadaasi madarshoon iyo sidookale meesha liyiraahdo dhagax-dhaabur oo hada si buuxda ay gacanta ugu hayaan ciidanka sooma-jeestayaasha ah ee Puntland.

‘’Dabadeed ciidamadu horay ayey u socdeen 3-dii bishaan ilaa maanta ayaa dagaalkii labaad bilowday, dagaalkaas ciidamadu waxa ay ku qabsadeen dhulkale oo tiro badan oo ay kamid tahay meesha guri-xoor, dhagax dheer, guri dharkeyn, guri xiis, karin xagarood iyo saldhigii ugu dambeeyey ee din-digle’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Dagaalkaas cadowga waxaa kaga dhintay 20, waxayna ciidanku ka dhaawaceen 29, ciidamada geesiyada Puntland dagaalkaasi waxaa kaga shahiiday 5-askari, waxaana ka dhaawacmay 4-askari, waxayna ku qabsadeen ciidamadu qalab tiro badan oo ay lahaayen burcad diimeedka Al-shabaab kana mid ahaayeen raadiyaasha ciidamada, firxadkoodina waxa ay u baxsadeen Gobolada waqooyi ee soomaaliya’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Dagaalkaasi sidookale waxa ay ciidamadu ku qabteen masuuliyiin waaweyn oo katirsan kooxdaasi Al-shabaab oo uu kamid yahay ninka layiraahdo Mukhtaar Cabdinuur Axmed kuna magac dheer Axmed Guray kana mid ahaa nimankii ugu cuslaa dhanka dagaal gelinta waxaa isna kamid ah ninka la yiraahdo Axmed Cabdi Maxamed oo isna kamid ah masuuliyiinta ugu waaweyn saraakiishaasi iyo kuwo kale oo waaweynba ciidanku gacanta ayey ku hayaan’’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Goobihii dagaalku uu ka dhacay waxaa hada si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xooga Puntland, dawladda Puntland iyo shacabkeedana waxaa ka go’an in cadowgaasi la soo afjarao, lana garab istaago ciidanka Puntland hiil iyo hooba.

”Waxaan Rajaynayaa in firxadka kooxdaasi ay ka faa’iidaystaan Fursadaan, badbaadiyaana Noloshooda iyo aayahooda isuna soo dhiibaan Ciidamada Dowladda Puntland Meelkasta oo ay joogaan ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Daawo Video

Puntlandes.com

About The Author