Dhagayso: Dawladda Xamar oo la soo baxday awood aysan lahayn uguna baaqday shirkadii aan DFS heshiis la gelin ay dalka ka baxaan

Madaxweynaha DFS Xasan shiikh ayaa wuxuu la soo baxay awood xad dhaaf ah intii uu talada Puntland la wareegay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Waxaa DFS meel fiican u maraysa ka goosashada ay ka goosteen Puntland oo 16 sano dawlad ahayd Gobolkii Tiirdhexaadka u ahaa ee Gobolka Mudug.

Maanta ayaa waxaa Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Macdanta iyo Petrol-ka ee Dawladda Federal-ka Somalia kaasoo lagu sheegay in ay wasaaraddu  digniin u dirayso shirkad kuwa macdanta baadha ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha magaceedana loo soo gaabiyo ARC shirkadaasi o la sheegay inay hawlo baadhitaan macdanta ah ka wadday buuraha Siimoodi ee gobolka Awdal.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hawlaha baarista ee ay shirkada ARC wadaa ay yihiin kuwo sharci daro ah DFS-na ay si dhaw ula socoto dhaq dhaqaaqa shirkadaasi waxaana lagu eedeeyey inay xasilooni darro ka abuurtay deegaanka kadib markii sida warkan lagu shegay ay shirkadaasi qoratay Maleeshiyaad ilaaliya shaqaalohooda isla markaana ay bara kiciyeen dadkii iyo duunyadii deegaanadaasi ku noolaa.

Ninkii Gobolka Mudug har cad goostay ma wuxuu u daahayaa in uu shirkad Shinays ah ka eryo Gobolka Awdal Ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta ee DFS Faarax Cabdi Xasan ayaa VOA uga warramay warsaxaafadeedkay soo saareen

Dhinaca kalena waxaa arrintan ka jawaabay Wasiirka Macdanta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo u warramay VOA isagoo u jawaabaya DFS

Labada waraysi ka dhegayso hoos


Puntlandes.com

About The Author