Faalo: Madaxweyne Gaas iyo Kooxdiisa Isbedeldoonka oo ku mashquulsan Xaflada sanadkuuradii koowaad

Maalinka Beri ah ee bisha janaayo ay tahay 08 2015 waxay ku beegan tahay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii madaxweyninimada Puntland loo doortay madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Waxaa la casuumay dad farabadan oo qaarkood Tigidka diyaarada iyo qarashka ku baxaya oo dhan la baxshay sida ay Warbaahinta Madaxbanaan ee Puntlandes ogaatay. Waxaa la casuumay Fanaaniin caan ah oo uu ka mid yahay Axmed Naaji. Waxaa ka socda Garowe iyo Madaxtooyada Puntland alifid iyo xafidaad Heeso, Gabayo, Dhaanto iyo Buraanburo oo dhamaantood lagu amaanayo madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Muxuu dhab ahaan Qabtay Dr Gaas intii uu talada hayey

Waxba (EBER) ma uusan u qabin ee wuxuu geeyey meel aad iyo aad u hoosaysa oo aan marna laga filayn Prof kii barwaaqada ku baaqayey in uu Burburiyo Puntland.Maanta Puntland waxaa ka maqaad sareeya Jubbaland ta shalay ay Puntland xooga ku socodsiiyay. Waxaa kaloo ka maqaam sareeya oo wax laga waydiiyaa Somalia Dawlada Curdanka ah ee Koonfur Galbeed. Hada ogow midkoodna ma maamulo dhulkiisa marka laga reebo in yar oo AMISOM joogto maahee!!!

Dhulkii Somaliland haysatay dhul kale oo baaxadwayn ayuu ugu daray madaxweyne Dr Gaas in uu xoreeyo kii maqnaa iska daaye. Waxaa waxwalba kaba daran DFS oo ka goosatay Puntland oo 16 sano dawlad ahayd Gobolka Mudug oo hada warqad ayuu Mr Cabdiqaybdiid ku goostay ee maaha xoog. Waxayba hada dawlada uu madaxda ka yahay Dr Gaas bilowday in ay tiraahdo waa ina sheeganayaa ee ma imaan karo. Oo yaa awlba kuu soo socday?

Ciidamada dalka difaacaya iyo shaqaalaha dawlada Mushahaaro ma aysan qaaday mudo aad u dheer. Waxaa taas sii dheer adeegyadii Bulshada waa istaageen intoodii badnayd.

Waxay aad iyo aad ugu dadaaleen intii ay Xukumka hayeen madaxweyne Gaas iyo Kooxdiisu in ay aad kor ugu qaadan Dakhligii u soo xaroon jiray iyagoo dhaqan geliyey Candshuuro cusub oo aan dalka ka jiri jirin.

Waa su’aale beri maxay la soo shir tegidoonaan ma sidii caadada u ahayd bay ku faanin waxqabadkii dawladii iyaga ka horey sida Garoomada iwm.

Akhriste ma kula tahay in wuxuu Dr Gaas qabto iska daaye loogu imandoono inta Somaliland ka qabsatay maahee inta uu maanta 07 jan 2015 ka taliyo?

Mise Somaliland inta ka dhiman Sool, Sanaag iyo Cayn ayey ku darsan, CabdiQaybdiid Mudug buu la go’in, Garowe  iyo Boosaasana bal adigu saadaali siday ku dambayndoonaan. Ileen cidna kama yeelayso madaxweyne Dr Gaas Gobolkaygana waan bixin adna waan ku xukumin!!

Puntlandes.com

About The Author