DEG DEG: Taliyihii Qeybta Booliska Gobalka Mudug oo is Casilay kadib markuu u madaxbanaan waayey Shaqadiisa

Gaalkacyo (Pes) Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug Cabdulaahi Shire Dool ayaa saaka shaaciyey in uu xilka iska Casilay. Sababta uu isku casilay ayuu taliyihu ku sheegay in shaqadiisa lasoo fara galiyey ,isla markaasna xilkiisa uu u madaxbanaan wayeey. Ma uusan sheegin Taliyihu cida ama shaqsiyaadka soo fara geliyey Shaqadiisa laakiin sida ay Warbaahinta Madaxabanaan ee Puntlandes xog ku heshay waxa uu Taliyuhu shaqadiisa ka gudan waayey Kooxda uu Hogaamiyo Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) oo ah ninka ay ay talada Gobolka iyo Xaruntiisu ka go’do.

1378

Taliye Dool

Taliye Dool oo sharaxaad ka bixinaya sababta uu isku casilay ayaa yiri  “Anniga waxaan xilkan u qabtay inan u shaqeeyo shacabka si cadaalad ah,balse haddii anniga cadaalad darro laygula dhaqmay cadaalad ma jirto,waxaana go’aansaday inan xilka iska casilo waxii maanta ka dambeeya,”

Wuxuuna Taliye Dool si geesinoimo ah ugu sii daray ”Dadka Africanka ah waxaa la yiraahdaa xilalka waa isku dhajiyaan,balse anigu waan ka duwanahay oo maanta waan iska casilayaa”,

1371

Boqorka Mudug Gaadayare

1353

Boqorka walaalki Gaagaab

699

Mareeyaha Abdulahi Yusuf Airport Dhagaweyne

Shacabka Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyey in Taliye Dool uu si geesinimo ah farta ugu fiiqay halka uu maamulka Gobolka Mudug ka socon la’yahay oo ah Kooxda uu hogaamiyo Mr Gaadayare ayna xubnaha ka yihiin walaalkiis Gaabaab iyo Dhagaweyne. Nimanka oo horjooga taakana ku ah Horumarka iyo Nabadgalyada Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

1336

Talayaha Ciimada Birmadka G Mudug Gebi-Gebi

 

puntlandes@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author