Daawo Video: Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland oo beeniyay eedaymo ka yimi Madaxwayne Gaas iyo Camay

Garowe (Pes) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowladdii Cabdiraxmaan Farole Mudane Faarax Cali Jaamac ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha dhaqaale ee ka imaanaya Madaxwayne Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng.Camay kaasoo salka ku haya inay dowladdii hore kala wareegeen dayn dhan 14-Malyan oo doolar.

Faarax Cali Jaamac waxa uu sheegay daynta ay Dowladda Gaas ku wareejiyeen ay dhan tahay 1.121-kun taasoo meesha ka saaraysa hadalo dhowaan kasoo baxay madaxda ugu saraysa dowlada hadda taladda haysta ee Puntland oo sheegaya dhaqaale xumida inay uga tagtay dowladdii Farole.

Mudane Jaamac ayaa waxa uu waraysiga laga qaaday kusoo bandhigay Waraaqo qoraal ah oo cadaynayo daynta ay wareejiyeen si loo kala lee yahay iyo siday u kala qaateen, wuxuna sheegay inay muhiim tahay inaan waxaan jirin la sheego.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa maalmo ka hor waraysi uu siiyay Somalichannel ku sheegay dhaqaale xumida hadda taagan inay ka dhaxleen dowladdii ka horaysay,iyo waliba dekadadda Muqdisho iyo Kismaayo oo dib u furmay.

Wasiirkii hore ee dhaqaalaha Puntland ayaa sidoo kale beeniyay xiligii dowladdii Farole isaga iyo Maxamed Cabdiraxmaan Farole dhaqaalaha dowladda ay si gaar ah u isticmaaleen oo ay kasoo gateen gaadiidka xabadda celiya.

Daawo Videoga

Puntlandes.com

About The Author