08 jan: Isbedelkii ka dhacay Puntland oo sanad jirsaday iyo Shacabka Puntland oo dhafoorada haysta

Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay tahay 8/1/2015-ka waxay ku beegan tahay Sanad guuradii Kowaad ee kasoo wareegtay loo doortay Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ka dib markii doorasho ka dhacday magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

 

Farxadii iyo Isbedekii la doonayey

  • Waxay ahayd maalintii Caalamka uu qiray in umada reer Puntland ay yihiin dad xadaariyiin ah oo u bisil Dimuqraadiyada
  • Waxay ahayd maalin guud ahaan umadda Soomaaliyeed ay si wada jir u soo dhoweeyen Doorashada ka dhacday Puntland.
  • Waxaya ahayd maalintii ay Madaxdii hore aqbaleen natiijada Doorashada,ayna soo dhoweeyen in Puntland ay horay u socoto.
  • Waxay ahayd maalintii gudo iyo dibad looga wada dabaaldagay isbadalkii Dimuqraadiga ahaa ee ka dhacay Puntland

Daawo Video markii uu Xukunka la wareegayey Dr Gaas

Siday Puntland noqotay ama uu madaxweyne Gaas ka dhigay

  •  Waxay ahayd maalin ay farxeen  Cadowga Puntland ee neceb hormarka Puntland doonayeyna in ay Burburiyaan
  • Waxay ahayd maalin madow oo ku habsaday Geyiga Puntland
  • Waxay ahayd maalin ay adagtahay in ay Puntland ka soo baxdo dabinkay ku dhacday
  • Waxay ahayd maalin Puntland mindiyaha Ruux walbaa oo u ciilqabay u soo Soofaysto si uu cadkuu doono uga jarto
  • Waxay ahayd maalin taariikhda oo horseeday in Cabdiqaybdiid Gobol dhan ka jarto Puntland!!!! 

Puntlandeey Allah ha ku badbaadsho waligaana jir

Puntlandes.com

 

About The Author