Puntland iyo xuska 8-da Janaayo maxaa ku qarsoon?!

IMG_6343

Asaaskii maamulka Puntland 16 sano ka hor waxaa lagu tilmaami karaa dhimbishii u horeysey ee dib u soo noolaanshaha Qaranka Soomaaliya, waxay ahayd xilli lagu daaley shirarkii loogu yeeri jirey dib u heshiisiin, Jabuuti1 Jabuuti 2, Itoobiya ilaa Masar, Dhanka kale Somaliland oo iyadu tiri waaba ka goosaney Soomaaliyada kale, waxaa 1992 – 1998 ka taagnaa dagaalo sokeeye.

Haddaba si aan mawduuca qoraalku u dheeraan, waxaa muhim ah in la xuso waxay tahay 8-da Janaayo. Madaxweynihii u horeeyey ee Puntland yeelato Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN) waxaa lagu doortey shir weyne ergooyin ka socdey 5 gobol iyo Degmo, dadka intiisa badan ayaa aaminsan in Madaxweyne Cabdullaahu Yusuf Axmed la doortey 1 August 1998, taasna waa mid aan jirin, Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkuba waxay dhacdey 10 Luuluyo 1998, maalin Jimce ah, waxaa loo doortey in ay xilka hayaan muddo saddex sano ah, oo ku ekeyd 30 Juun 2001, bishii April 2001 ayey ahayd markii Golihii Wakiilada ee markaas ayaa xilka ku darsadey muddo 3 sano ah, isla Bishii Juun 2001 ayey Madaxweynaha iyo xukuumadiisaba ugu dareen 3 sano oo kale oo ku eg 30 Juun 2004, waxayse dhashey in Puntland ay gasho dagaalo, taas oo laga heshiiyey bishii Maajo 2003, heshiiskaas loogama hadlin xilligii ku darsashada ee dagaalka keenay, waxaase la isla qirey sharciyadda Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf oo jamhaddii ka soo horjeedey ay diidanaayeen markii hore.

Waxaa la dhihi karaa Cabdullaahi Yusuf Axmed waxaa xilku ka dhamaadey 30 Juun 2004, laakiin labo qof isma weydiin, odaygu waxa uu si weyn ugu mashquulsanaa dhaqaalihii Puntland geliyey shirkii lag dhisey Dowladda Federaalka ee ka socdey dalka Kenya 2002 – 2004, waxaa muuqatey in uu ahaa musharaxa ugu cadcad ee soo baxay, malaha taas ayaa keentey in aan laga wada hadlin dadka dhana ay halkaas ku sii jeedeen.

Bishii Oktoober 2004 ayaa Madaxweynihii Puntland u dalacay Madaxwene Soomaaliyeed, waxaana xilkiisi ku wareegay Madaxweyne ku-xigeenkii Xiligaas Maxamed Cabdi Xaashi, Golaha Wakiiladuna waxay Madaxweyne kuxigeen u doorteen Maxamed Cali Yusuf Gaagaab, Qiso walba subaxeede, Xaashi & Gaagaab oo ilaawey wixii la soo marey waxay isku dayeen in ay xilka kororsadaan maadaama saddexdii sano dhacdey mar hore, laakiin waxaa si weyn uga hor yimid qaar kamid ah golihii Wasiirada oo uu ka mid ahaa Madaxweynhii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole taas oo uu xilka ku waayey, sidoo kale waxaa ka hor yimid Gen. Cadde Muuse oo isagu heshiiskii nabadeynta la galay Cabdullaahi Yusuf, wada hadal dheer kadib waxaa lagu heshiiyey in doorashadu dhacdo 8 Janaayo 2005, doorashadaas waxaa ku guuleystey Gen. Cadde Muuse oo dalka xukumey 4 sano, Cadde Muuse oo lagu yaqaan hadal iska cad ayaa isna sheegey in 8 Janaayo 2009 in dalku doorashada Madaxweynaha gelaayo haddii uu dhihi lahaa 10 Janaayo 2009 ayaa doorashadu dhacaysaa u malayn maayo cid ka hor imaan lahayd in ay jirto, 8 Janaayo 2009 waxaa doorashadii Madaxweynihii markaa fadhiyey uga adkaadey Camdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo xilka hayey 4 sano iyo sanad muran ka taagnaa sharciyaddiisa sidaas si la mid ah ayuu isna muddeyey 8 Janaayo 2014, waxaana Madaxweynihii xilka fadhiyey uga adkaadey doorashadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Haddaba waxaa cad in aynu isla fahanney halka ay 8 Janaayo ka soo jeedo. Madaxweynihii u horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed, hal maalina ma xusin 10 Luuliyo isaga oo u dabaaldegaya ama dadka uga sheekaynaya waxqabadkiisi, Waxaase lagu xasuustaa in sanadkii u horeeyey 1999 uu xusey maalinta Puntland ee ahayd xiligii ay Puntland yeelatey Golaha Wakiilada 1 Agoosto, waxyaabaha uu sameeyey ayaa u ekaa kuwo aad ugu dhawaa Xuska Tworadii Barakeysneyd! ee Jaalle Siyaad 21 Oktoober.

Gen. Cadde Muuse ayaa sidaas si lamid ah u dhigin xus maalinta uu guuleystey ee 8 Janaayo, waxaana uuba ka gaabiyey isagu in la weyneeyo maalinta Puntland ee 1 Agoosto.

Yaa bilaabey xuska maalinta guushiisa?

Waxaan dhihi karnaa waxaa bilaabey xuska maalinta uu doorashada ku guuleystey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdirxmaan Shiikh Maxamed Faroole, Xaflad weyn, tumasho iyo fanaaniin, khudbado la jeediyo iyo in laga sheekeeyo waxqabadka Xukuumaddiisa, tiisana uu ugu yeeray “Ban-ka-ood” muddadii uu xilka hayey waa ku dhamsaystey isaga oo xusaayo 8 Janaayo.

Waxaa sidaas si la mid ah markii u horeysey ku dabo galay Madaxweynaha Puntland ee muddada sanadka ka yar xafiiska fadhiya Dr Cabdiweli Cali Gaas, runtii dad badan oo aan ka mid ahay waxay Dr Cabdiweli uga fadhiyeen wax weyn in uu Puntland la imaanayo, marka la eego khibradda uu lahaa, aqoontiisa baaca dheer iyo waayo aragimadii uu ka dhaxley dalalka horumarey ee uu muddada ku noolaa.

Waxaa dhici karta in dadka qaarkiis ku doodo maxay tahay dhibta ku jirta haddii xukuumaddu soo bandhigto waxqabadkeeda sanad kadib, waa arrin wanaagsan in shacabka loo soo bandhigo, ee su’aashu waxay tahay maxaa ku qarsoon maalintii la idoortey ayaan soo bandhigi?, maxay tahay sababta keeni karta in waxqabadka lagu soo bandhigo xaflado ay ku kacayo boqolaal kun oo dollar, tan kale ma ahan maalinti uu xilka la wareegay waxaan ognahay in Faroole xilka la wareegay 11 Janaayo 2009 halka Dr Gaas uu xilka la wareegay 14 Janaayo 2014!.

Madaxweynayaasha caalamku waxay leeyihiin maalin gaar ah oo ay shacabkooda la hadlaan, iyaga oo isticmaalaya Warbaahinta, qaarkood waxay leeyihiin malin gaar ah oo su’aalo la weydiiyo, inta badan maalintaasi ma noqoto maalintii la doortey. Xuska maalinta guushaada, waxay in badan oo ka mid ah dadka xasuusineysaa talisyadii Inqilaabka kula wareegay talada, sida Dergigii Itoobiya, Kacaankii Soomaaliya, ma nixihii Uganda Ida Amin iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa hubaal ah xuskii u danbeeyey ee Puntland u dhigto 8 Janaayo in dhaqaale aad u badan ku baxay, muhimadda la siiyeyna ay ahayd mid aad u weyn.

Hoolka Shirarka e Golaha Xukuumadda  Puntland

Waa in caqligu ka koraa arki jirey iyo dhaqanka keligii taliyaasha heesaha amaanta ah laga hor qaado, dhaqaalaha aadka u badan ee ku baxay xafladda, loo leexiyaa halka ku habboon ee waxtarka leh, waxaa shacabka Puntland deeqa saacad si toos ah Madaxweynuhu shacabka ugala hadlo warbaahinta la iska arko ama la iska dhegaysto.

Waxaa qoray: I. Haji Said

Xisasho:horseedmedia.net

Daabaacaad: Puntlandes.com

About The Author