Sawiro: Madaxwaynaha Puntland oo la shiray Agaasimayaasha wasaraddaha iyo kuwa hay’addaha madaxa banaan

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna tahay 10-1-2015 kullan isugu yeeray Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo kuwa hay’addaha madaxa banaan ee Dawladda Puntland.

IMG_6569
Kullanka Madaxweynaha iyo agaasimyaasha ayaa waxaa uu ku saabsanaa saddex arrimood oo kala ahaa :-

• Dib u eegsitii Bandhigii waxqabadka dawladda 2014-2015 ee barnaamijki la xisaabtanka Hay’addaha dawladda Puntland.

• Hirgelinta iyo dhamaystirka qorshaha dib u habaynta Hay’addaha dawladda (Puplic Sector Reforms ) .

• Kor u qaadista hanaanka maaraynta maaliyada iyo guud ahaan dardar gelinta shaqada dawladda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si cad agaasimayaasha guud ee ka qeyb galay kullanka u faray inay hormuud ka noqdaan shaqada dardargelinta dib u habaynta shaqaalaha dawladda maadama agaasimayaashu yihiin masuuliyiinta dhinaca maamulka Wasaaradaha ugu sareeya, Wasiirkuna yahay masuulka guud ee Wasaaradda iyo hagaha dhinaca siyaasada.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas waxaa uu Agaasimayaasha guud ku booriyey inay la shaqeeyaan Wasiirada iyaguna dhexdooda wada shaqeeyaan, shaqaduna ay noqoto mid si wadajir ah loo fuliyo si kor loogu qaado u adeegida shacabka.

‘’Waxaan rabaa Puntland inay noqoto afar-sano gudaheed meel dawladnimo taam ahi ay ka jirto oo leh dheelitir maamul, mid aqooneed iyo weliba mid siyaasadeed si loo gaaro isbadal dhankasta ah iyo horumar bulsho ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Kullanka Madaxweynaha iyo agaasimayaasha oo ahaa mid si laab furan loo wada hadlay ayaa dhammaan qodobadii ajandaha mid mid looga dooday , waxaana uu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.

IMG_6547

IMG_6549

IMG_6554

IMG_6563

IMG_6569

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

 

Puntlandes.com

About The Author