Yaa u wakiishay Kooxda Gaadayare iyo Gaagaab inay ku hadlaan Magaca Gobolka Mudug?

Gaalkacyo (Pes) Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo waxaa Ceeb iyo Foolxumo ku ah in muddo ka badan 16 ay waji u yihiin kuna hadlaan afka shacabka Gobolka Kooxda GAADAYARE hogaamiyo uuna GAAGAAB ninka sadexaad ka yahay. Yaa wakiishay Kooxdan? Yey metashaa Kooxdan? Muxuu yahay shaqada ay u hayaan Shacabka Gobolka Mudug?

1390

Gaadayare iyo Gaagaab

Jawaabto waa nina ma wakiilan, qof ay metaana ma jirto, shaqadooduna nina wuxuu ku magacaaban yahay Xisaabiyaha Guud ee Gobolka GAADAYARE nina waa HALWGAL kuna fashilmay siyaasada cid wax u dhiibatayna aysan jirin.

Todobaadkan waxay Telefishinada Soomaalida laga arkay iyagoo ka hadlaya maamulka  la leeyahay ”Gobolada Dhexe” ayaa loo hisayaa oo waa ”Mudug iyo Galgaduud”. Nin reer Gaalkacyood ah oo dadka aadka u yaqaan Kooxdan ah ayaa ku yiri mid ka mid ah Hawlwadeenada Puntlandes ”adeer ninamkan mataqaanid taatikadooda lacag ayey ka rabaan madaxweyne Xasan iyo CabdiQaybdiid, ax kale maaha waxa ka hadisiiyey”

337

“Nabadoon” Yaasiin Cabdisamad oo qori AK47 haysta

Kooxda uu Hoaamiyo GAADAYARE waxay ku sifeeyeey ”Nabadood” Yaasiin Cabdisamad in uu yahay ama Isin ama Hogaamiye dhaqameed agtaagan markay wax danacsan yihiin. Su’aasha iswaydiinta mudani waa maxaa aamusiyey waxgaradka Gobolka ayna Afduubka aan dhamaadka lahayn ugu jiraan.

Gobolka Mudug iyo xaruntiisa ayey Kooxdani ka dhigeen in aysan ka jirin nidaam dawladeed xagii kale ee dhaqanka ee dadka Walaalaha ah ee reer Mudug ma waxay ka yeeleen Kooxdani in ninka ay Isticmaalayaan maahee nin kale uusan jirin matelina Gobolka iyo Xaruntiisa? Maxaa u sahlay Kooxda Gaadayare in ay 16 sano in ka badan iyaga kaliya yihiin cida Maamusha, matashana Shacabka Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo?

Ma waysan ahayn xiligii ku haboonaa maanta in ay Shacabka Gobolka Mudug ee Walaalaha ah ay iska hordhaqaajiyaan Kooxdan ku ciyaartay Sumcadoodii una diiday nidaam dawladnimo, nidaam dhaqan oo Walaaltinimo, kala dambayn iyo Horumar.

puntlandes@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author