Deg Deg: Akhriso Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD, Waxaa la soo dhaweeyey Heshiiskii Goodax & JL, kii PL & DFS laguma soo qaadin?

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay shir ay isugu yimaadeen urur Goboleedka IGAD warmurtiyeedkii ka soo baxay oo ka koobnaa 25 qodob ayaa 4 qodob oo ka mid ah waxay ka hadlayeen samaynta maamul Gobeleedyada. IGAD waxay ku sheegtay maamul Gobaleed wax ay ugu yeertay ”Gobolada dhexe” waxay kaloo soo dhawaysay heshiis ay wadagaareen 15 nov 2014 DFS iyo Jubaland iyadoo uu DFS uu u saxiixay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Goodax Bare, halka ay IGAD aysan soo qaadin heshiiskii Puntland iyo DFS 14 okt 2014 oo uu DFS u saxiixay Raysul Wasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed.

IGAD waxay si toos ah u taageeraysaa in Gobolka Mudug ay BOOBAAN Cabdiqayndiid iyo Kooxdiisa. Aaway doorkii Dawlada Puntland? Ma daawaday ka tahay BOOBKA dhulkeeda? Aáway masuuliyadii uu u dhaartay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas? Guud ahaan shacabka Puntland iyo gaar ahaan shacabka Mudug ma gacmahaa u laaban? Xagay arintu ka qaldan tahay?

Su’aalo badan ayaa u baahan in laga jawaabo, laakiin waxaa muuqata oo aan la inkiri karin in Puntland cagta saartay wadadii BUR-BURKA ayna noqotay Hilib bisil oo ninba cad goosto!!!!!!

 

 

Hoos ka akhri Qodobada Shirka Kasoo Baxay

IGAD waxa ay tixgalineysaa madaxbanaaninada, midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya
Waxa ay soo dhaweyneysaa dadaalka Dowladda Federaalka ay ku xalisey murankii siyaasadeed ee dalka ka jirey, iyada oo loo maray wado sharci ah, waxayna IGAD soo dhaweyneysaa magacaabista Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid.

3-Waxa ay soo dhaweyneysaa IGAD hirgalinta Hiigsiga 2016-ka, isku dhafka ciidamada, xasilinta meelaha dowladda gacanteeda soo galay, iyo sidii galaangal loogu heli lahaa waddooyin loo maro meelahaasi

4-Waxay soo dhaweyneysaa samaynta maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyada oo IGAD ay tiigsanayso in la sameeyo maamulada Gobolada Dhexe iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

5-Waxay dowladda federaalka ka codsanaysaa in ay dadajiso samaynta maamulka Gobolada dhexe iyo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

6-Waxa ay IGAD hoosta ka xariiqdey muhiimadda ay leedahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhamaystiro maamul goboleedyada, iyo baarlamaanadooda, iyada oo loo marayo sida uu qabo dastuurka federaalka

7-Waxay IGAD soo dhaweysey heshiiskii dhexmaray dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland 15-kii bishii Nofeembar, 2014 kaasi oo ku saabsan isku dhafka ciidamada.

8-Waxay IGAD qireysaa lahaanshiyaha dowladda Federaalka ee arrimaha Soomaaliya iyo hogaaminteeda, iyada oo dajineysa muhiimadaha iyo sida arrimuhu u kala horeeyaan

9-Waxay IGAD Cambaareyneysaa weerarkii ALshabaab ay ku qaadey xarunta AMISOM ee Muqdisho, ee Xalane, waxayna wasiirada isku raaceen in lala dagaalamo Alshabaab illaa nabad waarta laga helayo Soomaaliya

10-Waxa ay AMISOM garoowsantahay si tixgalin leh kaalintii geesinimada lahayd ee ay qaateen ciidamada AMISOM iyo ciidamada amniga Soomaaliya intii uu weerarka socdey , iyo waliba hawlgalka Badweynta Hindiya

11-Waxay IGAD xusuusantahay qorshihii xagga amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu dajiyey shirkii London ee bishii Sebtember 2014-ka.

12-IGAD waxa ay dowladda ka codsanaysaa in ay dadajiso qorshaha horumarinta dalka, iyo in ay la macaamisho si toos ah maamul goboleedyada

13-Waxa ay IGAD garoowsantahay sida dowladda federaalka ee Soomaaliya uga go’antahay in la hirgaliyo hiigsiga 2016-ka.

14-Waxa ay IGAD ku dhiirogalineysaa dowladda Federaalka dhamaystirka hey’adaha maamulka iyo garsoorka Soomaaliya, iyada oo loo marayo sida uu qabo dastuurka Soomaaliya

15-Waxay IGAD soo dhaweyneysaa sida dowladda Federaalka uga go’antahay dhamaystirka dastuurka federaalka ah oo kama dambeys ah.

16-Waxa ay wasiirada IGAD isku raaceen in ay dowladda federaalka ka taageeraan dhinac kasta oo ah farsamada, marka ay timaado dhamaystirka dastuurka

17-Waxa ay IGAD aqoonsantahay kaalinta muhiimka ah ee uu leeyahay xafiiska Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta IGAD ee Soomaaliya , iyo doorka uu ka qaadan karo in la gaaro Hiigsiga 2016-ka.

18-Waxa uu shirka soo dhaweeyey Xafiiska IGAD ee Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya, iyo qorshihiisa xeeladeysan ee sanadka 2015-ka iyo 2016-ka

19-Waxa uu shirka faray xafiiska IGAD ee Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya in uu xoojiyo xafiiska Muqdisho, iyo in uu mar kasta wada tashi dowladda Federaalka hawl kasta oo uu dalka ka qabanayo

20-Waxa uu Shirka xaqiijinayaa sida adag ee ay wadamada u garab taaganyihiin Soomaaliya, iyo hiigsiga 2016-ka

21-Waxa uu shirka tixgalinayaa kaalinta beesha caalamka ee xagga kaalmada Soomaaliya, waxaana loogu baaqayaa in ay kor u qaadaan kaalmada

22-Waxa uu shirka amaanay wadahadalada dowladda federaalka iyo Somaliland

23-Waxa uu shirka soo dhaweeyey heshiiskii dhexmaray dowladda Jabuuti iyo xisbiga mucaaradka dalkaasi 30kii bishii diseember, 2014

24-Waxa uu shirka go’aansaday in shirka xiga ee IGAD Muqdisho lagu qabto sanadkani 2015-ka dhexdiisa

25-Waxa uu shirka ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed martigalinta shirka IGAD ee 53-aad ee aan caadiga ahayn

 

Puntlandes.com

About The Author