Gobolka Mudug oo uu ka jiro Isku dhexyaac ay Abuurtay Kooxda Gaadayare

Gaalkacyo (Pes) Kooxda uu hogaamiyo Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) ayaa ku amar ku taaglaynaysay Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo 16 sano ee u dambeeyey iyagoo isticmaalayey sifooyin kala duwan si ay ku sii haystaan Gobolka. Wax Maamul ah oo dawladeed kama jirin Gobolka iyo Xaruntiisa mudadaas ay xukumayeen Kooxda Gaadayre. Maamulka Gobolku ma shaqeeyo, kan Degmada haba sheegin, Booliis warkii daa. Haddii uu madax ka noqdo maamulka Gobolka, degmada ama Booliiska ruux aysan maqaarsaar ahaan u keensan Kooxda Gaadayare waxay u tuuraan si aad iyo aad u dhaqso badan, mana joogi karo kamana shaqayn karo Gobolka, Degmada iyo Booliiska/Dawaariishta ruux maqaarsaar ahayn, oo ay biil siiyaan.

1371

 

Gaadayare

1353

Gaagaab

Waqtigan hada aynu joogno waxaa ka jira Gobolka iyo xarumtiisa isku dhexyaac kii ugu xumaa abid iyadoo uu Taliyaha Booliska Gobalka Mudug Cabdulaahi Shire Dool uu is casilay 8 jan 2015 isagoo jooga magaalada Bursaalax sababtana ku sheegay in uu u madaxbanaan waayey shaqadiisa oo faragelin lagu hayo, faahfaahin akhri halkan. Amniga Gobolka iyo Xaruntiisaba waxay marayaan meeshii ugu xumayd abid.

Warar ay Puntlandes ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Taliyuhu shaqada uga tegay Kooxda Gaadayare oo u diiday in uu sidii caadada u ahayd u madax banaanaado shaqadiisa. Qaar ka mid ah Waxgaradka Gobolka Mudug oo ay la hadashay Puntlandes ayaa amaan balaaran usoo jeediyey Taliye Dool sida uu Tooshka ugu ifiyey Kooxda Gaadayare, iyagoo yiri waa geesinimo loo baahan yahay in ay qaataan dhamaan madaxda Gobolka iyo Xaruntiisa haddii la isku dayana in Qof kale loo magacaabo waxay codsadeen in uu ka cudurdaarto jagada inta ay Kooxda uu madaxda ka yahay Gaadayare ayna ku xigaan Gaagaab iyo Dhagaweyne meesha joogaan.

Ciidankii Birmadka waxaa laga dhigay hawlgab iyadoo la amray Taliyahooda Gebi*Gebi oo xubin firfircoon ka ah Kooxda Gaadayare ayna markiisii hore Kooxdu keensatay in uu san wax shaqo ah qaban karin. Taasi waxay saamayn ku yeelatay Amnigii Magaalada Gaalkacyo oo aad iyo aad u xumaaday.

Waxaa jiray maalmihii u dambeeyey warar aad magaalada Gaalkacyo ay dadkeedu aad u hadal hayeen oo sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Yuusuf Tigeey uu shaqaiisa uga tagayo Kooxda Gaadayre oo u diiday in uu shaqiisa guto kuna eedeeyey in uuba ka tirsan yahay Kooxda Al-Shabaab. Waxaa hubanti ah qofki bedela Tigeey inta ay Kooxda Gaadayare ka taliyaan Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo in uu ku dambayndoono sidii Tigeey iyo kuwii ka horeeyey aysana u keenayn wax aan CEEB ahayn ileen waxba ma qaban karee.

Duqa magaalada Gaalkaco Cabdicasiis Jaamac Guuleed Nugaal waxaa la cadeeyey in aysan hada, inkastoo ay markii hore taageereen, la dhacsanayn ayna doonayaan in ay shaqada ka eryaan iyagoo ku ee´deeyey in uu amnidarada sabab u yahay maadaama uu lacagtii ka jartay Ciidamada Birmadka eedayntaas oo ay ogaatay Puntlandes in aanu waxba ka jirin. Mr Nugaal hada wuxuu in mudo ah ku sugan yahay wadanka Sweden isagoo ay ugu dambaysay Gaalkacyo mudo dheer.

699

Dhagaweyne

Hadaba xaqiiqda ka jirtaa Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo waa nidaam dawladeed horay ugama jirin gadaala uga jiri maayo inta ay sii joogaan kooxda uu Hogaamiyo Mr Gaadayare. Kooxdani waxay Taako ama Carqalad ku tahay maamul dawladeed oo ka hirgala Gobolka Mudug iyo in uu Horumarka ay gaareen Gobolada asaagiis ah uu gaaro Gobolka Mudug. Waxaa la gaaray xiligii ay jiifka ka toosi lahaayeen sahabka Gobolka Mudug. Waxaa la gaaray xiligii ugu haboonaa oo uu madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu seefta galka kala bixi lahaa uu meesha ka saari kuwa diidan Horumar iyo dawladnimo ka hanaqaada Gobolka uu ka soo jeedo ee Mudug, uuna tuso reer Puntland in uu yahay Hogaamiye adag oo meesha ka saaray wax ay samayn waayeen dhamaan madaxweynayaashii isaga ka horeeyey.

Wixii ku soo kordha arimaha Gobolka Mudug kala soco Warbaahinta Maxa banaan ee Puntlandes.com

puntlandes@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author