Daawo Video: Wasiirka Maaliyadda Puntland ”Sanadkan waxaan rabnaa in aan dhaqaale farabadan soo saarno”

Gaalkacyo (Pes) Wasaradda Maaliyadda Puntland ayaa Kastamka cusub ee laga furay deegaanka Tuurdibi oo ka tirsan Galdogob ku tilmaamtay inuu yahay mid muhiimad gaar ah u leh dowladda iyo guud ahaan Shacabka Puntland.

Wasiir Shirre waxa uu sheegay Kastamka inuu muhiimad u lee yahay Puntland iyo Itoobiya ayna xooga saari doonaan sidii loo camiri lahaa meesha uu ku yaalo oo noqonaysa Suuq ganacsi oo wax walba ay Ganacsatadu ka helaan.

Waxa uu u mahdiyay shacabka magalada Galdogob oo dhul baaxad weyn ugu deeqay dowladda, dhulkaas oo loogu talo galay in la dajiyo ganacsatadda si howsha bilowga ah u kala socoto.

Wasiirka Shire ayaa sheegay sanadkan in ay rabaan in ay soo saaraan dhaqaale fara badan wuxuuna ka codsaday shacabka Puntland in ay Canshuurta bixiyaan isagoo sheegay in ay bilaabayaan in ay dhaqangeliyaan Canshuuro Cusun oo aan horre loo qaadi jirin.

Daawo videoga

Puntlandes.com

About The Author