Xukumada Raysul Wasaare Sharmarke oo Barlamaanka hor imaandonaan Sabtida 17 janaayo

Xukumada cusub ee Raysul Wasaare Cumar cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa la go’aamiyey in ay Barlamaanka hortagayso sabtida oo ay bishani tahay 17.

Gudoomi ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad  oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in kulankoodii shalay yeeshen ay diirada ku saareen sidii waqtiyada ugu dhow loo horkeeni lahaa xukuumada cusub ee uu ku dhawaaqay Raysal wasaare Sharmarke iyo sidii codka kalsoonida loo siin lahaa.

Wuxuu sheegay Gudoomiye Mahad in la isku raacay in xukuumada cusub la horkeeno Baarlamaanka maalinta sabtida ee soo socota,si xildhibaanada codka kalsoonida ugu qaadaan.

Puntlandes.com

About The Author