Puntland: Xildhibaan Wasaarada Maaliyada Puntland ku eedeeyey inay bixin wayday Mushaaraadkii shaqaalaha

Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi oo katirsan golaha wakiilada Puntland ayaa ku eedeeyey xukuumada uu madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inay bixin wayday mushaaraadkii ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

 

Xildhibaanka oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay Wasaarada Maaliyada inay ku guul daraysatay bixinta Gunooyinka, mushaaraadka iyo Adeegyada Bulshada, isagoo xusay kuwa ugu yar ee ciidamada iyo shaqaalaha dowladda helin mushaar ugu yaraanmuddo  afar bilood ah.

Xildhibaan Aw Cabdi ayaa wuxuu sheegay inay fariin u dirayaan madaxweynaha oo ah masuulka ugu sareeya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay dakhli badan inay usoo xarootay dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Gaas maadaama sida uu sheegay jiraan canshuur dowladihii hore aysan qaadijirin oo Xukuumadan hadda jirtaa hirgalisay.

Xildhibaanka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in Mushaar la siiyo Baarlamaanka ayadoo Ciidamadii amniga sugayay iyo kuwii difaaca ku jiray aan la siin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen , waxaana taasi uu ku tilmaamay mid aysan aqbali karin maadaama ay yihiin wakiiladii shacabka u matalayay dowladda.

Xukuumadihii ka horeeyey mida Gaas waxaa lagu dhaliili jiray Mushahaar la’aan xiliga waqtigu uu ka dhamaanayo in aysan bixin mushaaraadka si joogto ah. Laakiin midan madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa qaylodhaantu bilaabatay iyadoon 3 bilood jirin ilaa iyo iminka oo uu sanad u buuxsamayna waxay ku guuldaraysatay in ay bixiso Mushahaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha iyo waliba Adeegyadii dawlada

Dhagayso


Puntlandes

About The Author