Haddii aynu nahay Soomaali, waxa aynu dhaqan u leenahay in aynu la ashqaraarno madaxada xilliga ay cusubyihiin. Kolka uu xilkoodu dhamaanayana aynu hiif iyo haaraan u gunudno. Waxaa kale oo aynu caan ku nahay isticmaalka kafadaha daloola iyo miisaanka janjeera, kolka aynu cabirayno cid aynu nacebnahay. Madaxwayne Gaas waxba ugama duwana madaxda soomaamiyeed ee dhibanaha u ah labadaan fal-celis iyo cabirka hal-beega foorara.

Haddii aynu rabno in aynu cid miisaan saarno waa in aynu marka hore ka xorownaa caadifadda jacaylka iyo nacaybaka iyo hal-beega miisaanka dalabta leh. Marka aynu ka xorowna caadifaddeena, waxaa lagama maarmaana in aynu tusaale ka dhigano qaacidada; A JARXU WA TACDIIL ( dhaawicidda iyo u caddaalad falka) oo ah cilmi ragga lagu miisaamo, oo ay culimada xadiisku dajiyeen kun sano ka hor.

DOORKII DALDHISIDDA IYO HALKUDHAGGII ISKU TASHI

Madaxwayne Gaas waxa uu xilka la wareegey kolkii uu ku guulaystey doorosho ay xasarado badani ku xeernaayeen bilowgeedii, dhiigna ku daatay aakhirkeedii. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii koobaad waxa uu qorsheeyey afar reform oo lagu samatabixinayey hay’adaha dawladda, uuna ugu muhiimsanaa kii shaqaalahu, oo noqday in markii ugu horaysey merit lagu xulo shaqaalaha dawladda. Waxa uu madaxwaynuhu hindisay halkudhagga isku-tashi oo lagu dhisay mashaariic badan oo ay ka mid yihiin: dhismihii buundadii middigar ee ay biyuhu jareen, dhismaha waddada Ceeldaahir, dhismaha wasaaradihii ugu badnaa abid, dhismaha jiddadka magaalooyinka Galkacyo, Qardho iyo inta badan Garoowe. Naqshadaynta dhulka ay magaalooyinka waawayni ku fido doonaan labaatanka sano ee soosocota iyo ceelashii ugu tirada badnaa ee la qodo. Gaas waxa uu bilaabay dhamaysna tiray labadii mashruuc ee ugu waynaa ee dalka laga fushey oo ahaa labada airpoti ee Bosaso iyo Garowe.

Gaas Garonka uu Garowe ka dhisay

Garoonka Garowe sida uu ahaa Gaas ka hor

Qodobka ugu mudan ee hoggaamiye dal fakhriya lagu qiimeeyo waa hirgalinta xasilooni siyaasadeed, si aan ammaanku faraha uga bixin. Intii uu Gaas xilka hayey, cid na lama faquuqin lamana caburin cid na, xarig iyo dil na haba sheegin. Dadku xor ayay u ahaayeen cabirista fikirkooda, dulqaad dartiis na uma aanu jawaabi jirin kuwa isaga jaa’ifeeya. Wuxuu qabtay doorashadii ugu qurxda badnayd uguna xasarada yarayd. Ma uusan faragelin hab-socod keedii, mana uusan diidin go’aan keedii. Ma aynaan dambaabin haddii aynu niraahno wuxuu ahaa daldhis dulqaad badan.

GOLDOLOOLA DII HOGGAAMINEED EE DR. GAAS

Runtii, cid walba oo dad xukuntaayi wax na way saxdaa wax na way khaladaa. Haddii aad si dhow ugu fiirsato hoos u dhicii hoggaamineed ee madaxwayne Gaas waxaa markiiba kuu soo baxaya in ay ahaayeen kuwo ku dul wareegaya falsafadda iyo shaqsiyadda hoggaanka. Qiyamka iyo tilmaamaha uu hoggaamiye yeesho waxa aynu u kala qaadi karnaa labo qaybood. Qayb la xiriirta quwadda hogaamiyaha sida: burjiga (charisma), go’aan qaadasha, kartida iyo kalsoonida. Iyo qayb kale oo la xiriirta hufnaanta hoggaamiya sida: Run sheegga, balan oofinta iyo ammaanada. Nasiib daro, goldolooladii hoggaamineed ee madaxwaynuhu waxa ay inta badan ku noqnoqonayeen saldhigna u ahaa labadaan qaybood. Waana taas midda keentay in aad loo hiifo, isaga oo ahaa madaxwaynihii ugu wax qabadka badnaa.

Tusaale ahaan, goldoloolada qiyamka quwadda qaybta go’aan qaadashada, waxaa si rasmiya loo ogaaday kolkii uu dhacay dagaalkii koobaad ee Gaalkacyo iyo kii labaad. Waxa ayna si cad u soo shaac baxeen dagaalkii Tukaraq, oo ay adkaatay fahamka go’aanka rasmigaa ee madaxwaynaha oo ah taliyaha guud ee ciidanka. Qiyamka hufnaanta qaybta run sheegga, waxaa mar walba ku suntanaa madaxwaynaha arintii 4.5 iyo Ban K-Moon, iyo ku celcelintii uu ku celcelin jirey in uusan mar labaad isa soo sharixi doonin. Waxaa kale oo jirey balanqaad wayn oo uu madaxwaynuhu sameeyey oo uusan fulin, kolkii dambana isu badalay boog ay mar walba ka damqaan cadowgiisu. “haddii aan dalka gaarsiin waayo doorasho cod iyo qofa ogaada dawladdaydu waa fashishaye”

Arinta kale ee tummaatida ku noqotay madaxwayne Gaas ayaa ahayd fashilkii ku yimid maashruucii ugu waynaa ee ay Puntland abid hesho,. Waa mashruucii dhismaha waddada Garowe iyo Gaalkacyo. Maashruucaan ayaa lagu eedeeyey in la siiyey dad ka ag dhawaa madaxtooyada oo aan lahayn awood ay waddo intaaa le’eg ku dhisaan.

Si kastaba ha ahaatee hoos u dhacii hoggaamineed ee madaxwaynuhu asal uma ahayn hawl uu qabashadeeda ka gaabiyey, ee waxaa saldhig u ahaa sidii aynu soo sheeganay ba, maqnaanshaha ay maqnayd qiyamkii hoggaamiyaha wayn looga sooci jirey hoggaamada kale. John Maxwell, ruug caddaaga wayn ee cilmiga hoggaaminta ku xeeldheer, waxa uu taxaa 21 sifo oo uu ku sheego qiyamka hoggaamiyaha. Wuxuu yiri wali ma arag hoggaamiye magac ka tagey oo aan lahayn sifooyinkaas. Wuxuuna ku bilaabaa sifooyinka hufnaanta iyo kartida oo uu ku sheego meesha ugu wayn ee uu hoggaamiye u dhinto. Waana kobtaas halka madaxwayne Gaas laga raacay, garashadayda.

FIIRO GAARA: haddaad iga filaysey dhaleecayn iyo gaboodfal aan loo meel dayin inaan u gunti doono hoggaamiyahaan, waad mala khasaartay. Sidoo kalana, haddaad iga filaysey ammaan iyo buunbuunin indho la’aana, iyana waad marin habowday.

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi

About The Author