Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Garowe

26 Jan 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdigi uu hogaaminayay oo saaka kasoo duulay magaalada Muqdisho ayaa goordhawayd gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Garoonka diyaaradaha ee Garowe waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa ,gudoonka Baarlamaanka ,wasiiro iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u yimid Garowe ka qeybgalka xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Dr,Siciid Cabdulaahi Deni waxaana la filayaa in sacaada soo socota ay bilaabato xafladaasi.

Puntlandes.com

About The Author