Dhagayso: Fadeexad aad u xun oo ka tarjumaysa Hogaanka Dr Gaas oo ka dhalatay xukunkii ay shalay riday Puntland

Wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Puntland ee Xukuumadii  Madaxweyne Cade Muuse Xirsi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa ka hadlay xukunka shalay ay ku riday rag uu ka mid yahay Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal.

1412

Cali Ciigaal Ex Wasiir PL

Cali Ciigaal Afgaab Wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Puntland ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay xukunka maxkamada , Isagoona sheegey inuu ku xanuunsanayay bishii lasoo dhaafay magaalada Garowe oo uusan meelna uga bixin.

Waxa uu sheegey masuulkan ku jiray magacyada in ka badan 10 oo lagu eedeynayo inay u tageen Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud dhismaha maamulka Gobolada dhexe, inuu yahay xukunka shalay lagu riday mid cadaalad daro ah islamarkaana uu jawaabtiisa ka sugayo Dowlada Puntland.

Arintan oo fadeexad xoog ku ah Dowlada Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa la garanayn sababta loogu darey Ex Wasiir Cali Ciigaal xubno ku sugan degmada Cadaado oo ay dowlada Puntland ku xukuntay Xabsi daa,in ah iyo 10 sano oo xarig ah ka dib markii ay gaareen sadex xubnood oo ka tagay waqooyiga Gobolka Mudug degmada Cadaado todobaadkii hore.

Dhagayso Shirka Jaraaid Cali Ciigaal uu ku qabtay maanta Garowe.


 Puntlandes.com

About The Author