Daawo Sawirro: Wasiiradii Dowladdii hore oo Garowe kulan sagootin ah ugu sameeyay wasiirka cusub ee Waxbarashada DFS

Garowe (Pes) Kulan ay iska kaashadeen qaban qaabintiisa wasiiraddii hore ee xukumaddii Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Farole iyo Hay’adda PDRC laguna sagootinayay wasiirka cusub ee waxbarashadda DFS Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) ayaa maanta lagu qabtay magalo madaxda Puntland ee Garowe.
Kulankan oo lagu qabtay Hotelka New Reys ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiraddii hore ee Puntland, ku xigeeno, Xildhibaano, Duqa Garowe, ku simaha madaxa PDRC iyo marti sharaf kale.Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegay ujeedka kulankan loo qabtay inuu yahay si loo muujiyo in wasiiraddii hore ay sagootiyeen wasiirka cusub ee waxbarashada DFS Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir).

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Jaamac ayaa sheegay inuu aqoon badan u lee yahay Ilkajiir isla markasna uu kasoo bixi karo xilka culus ee loo magacaabay, sidoo kale wuxu kula dardaarmay inuu Puntland oo uu kasoo jeeda siiso qaybta ay ku lee yihiin waxbarashadda Soomaaliya loogu deeqo.

Ku simaha agaasimaha Hay’adda PDRC Mudane Cali Faarax Farmayeeri ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan masuulkan cusub ee waxbarashadda Soomaaliya loo magacaabay.

Masuuliyiintii kale ee munaasibadan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Duqa Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor wuxuna sheegay inuu soo dhawaynayo xilka cusub uu Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland ka helay dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoona docda kale sheegay Cabdilaahi Jaamac inuu yahay shaqsi xilkan u qalma.

Wasiirka cusub ee waxbarashadda dowladda Federaalka Soomaaliya Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac oo hadal kooban jeediyay ayaa mahad celiyay intii taageeradda iyo hambalyadda usoo dirtay markii xilkan loo magacaabay, gaar ahaan wuxuu u mahad celiyay madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo uu sheegay inuud dowr ku lahaa magacaabistiisa.

Sidon kale waxa uu sheegay wasiirka cusub inuu wax ka qaban doono baahiyaha Puntland uga xiran dowladda dhexe isla markasna uu arrimahan kala hadli doono madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas.

Wasiiraddii hore ee Cabdiraxmaan Farole ayaa labo kursi ka helay xukumadda Cabdirashiid Cali Sharmarake waxayna kala yihiin wasiirka Macdanta Daauud Maxamed Cumar iyo wasiirka waxbarashadda Cabdilaahi Axmed Jaamac.

Daawo sawirada

8Y1A5165
8Y1A4938

8Y1A4952

8Y1A4958

8Y1A4962

8Y1A4972

8Y1A4977

8Y1A4938

8Y1A4952

8Y1A4958

8Y1A4962

8Y1A4972

8Y1A4977

8Y1A4980

8Y1A4982

8Y1A4984

8Y1A4986

8Y1A4992

8Y1A4997

8Y1A4999

8Y1A5013

8Y1A5017

8Y1A5018

8Y1A5021

8Y1A5032

8Y1A5033

8Y1A5048

8Y1A5054

8Y1A5060

8Y1A5066

8Y1A5068

8Y1A5084

8Y1A5088

8Y1A5091

8Y1A5098

8Y1A5105

8Y1A5114

 

 

 

8Y1A5155

 

8Y1A5179

8Y1A5182

8Y1A5186

 

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author