Daawo Video: Fadeexadan Maxkamad Xukun beenaad riday iyo G/X Gobol oo waxba kama jiraan ku sifeeyey!!!

Gaalkacyo (Pes) Shalay ayey ahayd markii Maxkamad ku taala Garowe ay ku riday wax ay ugu yeertay xukum Xabsi daa’in iyo 10 sano ah, 14 qof oo reer Puntland. Sadex ka mid ah dadkaasi waxayba tageen Degmada Cadaado halka 11 kale oo guryahooda jooga lagu Riday “Xukun beenaad 10 sano ah”.

Durbadiida waxaa soo baxday dadkaas oo cadeeyey in aysan wax lug ah ku lahayn arintan waxna ka ogayn, qaarkood waxayba joogen Garowe oo Isbitaal kaga jireen halka kuwo kale ay joogaan Bosaso iyadoo intooda badan ay joogaan magaalada Gaalkacyo.Waxaa wax lala yaabo noqotay aana meelna ka soo gelin dawladnimada “Maxkamad Xukun rido” hadana sida aad Videowga ku daawan doontaan Gudoomiye ku xigeen uu ka yeelo “Xukunkii Maxkamada” wax aan jirin oo aan wax ka soo qaadna aan lahayn.

Halkaas waxaa laga dheehan karaa tayada iyo aqoonta Hogaaminta madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas iyo dadka uu xilalka u dhiibtay oo aan waxba ka aqoon dawladnimo iyo hadraaceeda. Wataas mirihii Hogaanka madaxweyne Gaas. Waxaa hore loola yaabanaa Dakhliga soo gala dawlada oo aad loo kordhiyey oo hadana aan la bixin Mushahaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha dawlada iyo Adeegyadii shacabka loo hayey!!! Hadana ma tanaa timid …..

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author