Muungaab “Dadka guryahooda burbursan aan dayactirin way ka maarmeen Guryahooda”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ugu baaqay dadka aan wali ku soo laaban magaalada Muqdishu inay si deg deg ah ugu soo laabtaan guryahoodana dib u dhistaan ama dayactirtaan.

1418

Muungaab ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku yaalaan guryo badan oo bur bursan, kuwaasoo wali dadkii lahaa ay ka maqan yihiin Magaalada Muqdishu.

“Guryo waa weyn oo bur bursan oo ku yaal magaalada Muqdisho ayaa jira, guryahaas anaga ma dayactiri karno, maxaa yeelay dad shacab ayaa is ka leh, waxaa rabnaa inay yimaadaan oo ay dayactirtaan ama dib u dhistaan oo ay kireystaan ama degaan ayaa loo baahan yahay, gurigii haduu meeshiisa isaga yaalo, cidii laheyd aanay u imaaneyn, wax ka hor taagan aanay jirin, cidaas inay ka maaranto ayay noqoneysaa, waa in loo fiiriyaa shuruucda iyo nidaamka leh ee guryahaas dib u dhis iyo dayactir ku helayaan” ayuu yiri Gudoomiye Muungaab oo shalay ka hadlayay arinkan.

Gudoomiye Muungaab ayaa sheegay in hadii aan la dayactirin guryaha bur bursan aanay magaalada bilicdeeda ku soo noqon doonin, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in Muqdisho ay ku soo laabatay sidii ay aheyd sanadihii 80-meeyadii iyo 70-meeyadiisa sida uu yiri

Xagee sharciga uu sheeganayo kaga taalaa in dadkii xooga Guryahooda laqabsaday, walina qaar badan o oka mid ah lagu degen yahay la dhaho XOOG ku soo noqda. Waxaad moodaa dadka Xamar u haray in ….

Puntlandes,com

About The Author