War deg deg: Xasan Yusuf Dhuux oo noloshiisa ka shaqaynayey Horumarka, difaaca iyo isku xirka reer Puntland ayey 10 sano oo xariga ku xukuntay Maxkamada Dr Gaas

Gaalkacyo (Pes) Maalinkii shalay ayey ahayd markii ay Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ay xabsi daa’in iyo xukuno dhaadheer ku riday 14 qof oo reer Puntland oo lagu eedeeyay inay Qaran Dumis yihiin.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa u riyaaqay iyagoo moodayey Maxkamad si sharci iyo cadaalad ah lagu riday ayna tahay in talaabo laga qaado cida ku xadgudubta wadajirka iyo Midnimada Puntland. Waxa aysan shacabka reer Puntland ogayn in aysan wuxu Maxkamad ahayn ee ay ahaayeen ”Wax ma garato” liis iska soo qortay iyagoon u meel deyin Sharafta, Cisada iyo haybada Muwaadiniinta reer Puntland.

Maanta oo dhan waxa iska soo dabadhacayey qaylodhaan ku saabsan Xukunkaas ay ”Jiridu” gaartay ileen lama oran kare ”Maxkamad” ayaa gaartaye.

Halgamaa: Xasan Yusuf Dhuux  oo ku jira dadka Puntland 10 sano lagu Xukumay!

275

Xasan Yuusuf Dhuux ”Xasan Garabeey” waa nin oday ah kana soo shaqeeyey dadaal badana galiyey Badbaadinta, Horumarinta, difaaca iyo isku xirka gaar ahaan reer Puntland iyo guud ahaan Somalia. Xasan Yuusuf Dhuux wuxuu qayb lixaad leh ka soo qaatay Mashaariic Horumarineed oo laga hirgeliyey Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug. Xasan Yuusuf Dhuux wuxuu ku noolaa waqtiyadii dambe dalka Australia gaar ahaan magalada Melbourne halkan ka akhri kana daawo Xasan Yuusuf Dhuux oo Abaalmarin caalamiya oo uu dalka Australia Gudoonsiiyey.

Xasan labadii Todobaad ee ugu dambaysay wuxuu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug isagoo ahaa watiyadii ugu dambaysay oday Ganacsade ah kana shaqeeya arimaha Horumarinta. Waxay ku noqotay shacanka reer Puntland iyo kan Soomaaliyeed ee yaqaana Xasan Yuusuf yaab iyo amakaag in Xasan lagu soo daro liiska dadka ”Qaran Dumiska” lagu Xukumay,  runtiina ma ahayn wax laga filayey Puntland. Waxayna tani wax u dhibaysaa Sumcadii iyo haybadii dawladnimo ee Puntland ee waayadii u dambaysay ay Kooxda madaxweyne Gaas ay BURBURINTA ku hayeen.

Mar ay maanta makarafoonka la dhex qaacday Warbaahinta Puntlandes.com shacabka reer Gaalkacyood ayaa nin oday ah oo reer Gaalkacyood ah waxaa hadalkiisa ka mid ahaa ”Adeer anigu lama yaabin! Maxaa yeelay Cabdiwali iyo wuxuu meesha ku urursaday waxaas iyo wax kasii liitaba waa ka filayey”

Fadeexadani waxay banaanka u keenaysaa kuwii awal iska indhatirayey waxa uu Puntland keenay ”Isbedelkii uu Gaas hogaaminayey” wuxuu kaloo shacabka uu u ifinayaa Kartida iyo Awooda madaxweyne Gaas iyo dadkuu wax u dhiibtay ee Puntland maanta maamula.

Hoos ka akhriso kana dhagayso FEDEEXADA ay faraha la gashay Xukuumad Gaas

Dhagayso: Fadeexad aad u xun oo ka tarjumaysa Hogaanka Dr Gaas oo ka dhalatay xukunkii ay shalay riday Puntland

Dhagayso-Sawiro: Maamulka gobolka Mudug iyo odayaasha deegaanka oo ka horyimid go’aan ka soo baxay maxkamadda Nugaal CAJIIB

 

Puntlandes.com

 

About The Author