Hal Askari oo lagu dilay magalada BosasoBosaso

Bosaso (Pes) Magalada Bosaso ayaa waxaa lagu dilay Hal askari halka labo kalena uu dhaawac soo gaaray ka dib markii xalay fiidkii lagu soo weeraray Bambaano nooca gacanta laga tuuro.
Ciidankan weerarka lagu soo qaaday ayaa ku gudo jiray baaritaano gaadiidka maraya agagaarka Afaririrood, waxana markaasi ka dib bilowday rasaas ay ciidanku rideen.
Dablaydii weerarkan ka danbaysay ayaa goobta isaga baxsaday, mana jirto ilaa iyo hada cid sheegatay masuuliyadda weerarkii xalay.
Axadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Bam gacmeed lagu tuuray Saldhiga dhexe ee Bosaso oo ay ku dhaawacmeen Hal Askari iyo qof rayid ah.
Xaalada Amaan ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa ka soo daraysay waqtiyadii u dambeeyey iyadoo uu hada marayo meel uu amnigu gacanta ka baxay haba ugu sii daraato magaalada Gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author